Qof isticmaala baraha bulshada ayaa bishii hore arkay khariidad god madow
oo ku taal bartamaha badweynta Baasifiga, taasoo dhalisay muran, iyadoo fikrado
kala duwan ay dadka ka dhiibteen godkaas.
Dad badah oo ah kuwa isticmaala baraha bulshada ayaa is waydiiyay waxa uu
noqon karo duleelkaasi badda gudaheeda ka muuqda.
Hadda waxa la ogaaday in ay tahay jasiirad lama degaanka ah ee la yiraahdo
Vostok ,taasi oo ka tirsan Jamhuuriyadda Kiribati, oo ah waddan ku yaalla
bartamaha Badweynta Baasifigga!
Jasiirad hoos timaada Jamhuuriyadda Kiribati ayaa ku taal badhtamaha
Badweynta Baasifiga. '
Daloolkii madow' ee dhowaan lagu arkay bartamaha Badweynta Baasifiga ayaa
ugu dambayntii imika qarsoomay oo la wayaay.
Isagoo eegaya khariidadda Google, ayaa mid ka mid ah dadka isticmaala
baraha bulshada waxaa uu arkay inuu jiro duleel madow oo aan la aqoon waxa uu
yahay oo ku yaalla bartamaha badweynta Pacific.
Si kastaba ha ahaatee, godka madow wuxuu u muuqday mid ka fog wadamada kale
ee jasiiradaha, taas oo jahawareerisay dad badan oo baraha bulshada isticmaala.
Maxaa dhacay?
Iyada oo taasi laga duulayo, fikrado badan oo la mid godkani ayaa la
baahiyay.Arintan ayaa dad badan oo isticmaala baraha bulshada ku abuurtay jahwareer.
Fikradihii iyo talooyinkii la soo jeediyay ayaa u muuqday kuwa muujinayay
in waxani yahay duleel bada gudaheeda ku yaalla.
Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in laga yaabo inuu yahay foolkaano biyaha
hoostooda ku jira. Qaar waxay sheegeen in ay filayaan in ay tahay jasiirad
qarsoodi ah ama xero ciidan.
Goobtaasi ayaa ugu dambeyntii la aqoonsaday in ay tahay jasiirad 6440 km
bari ka xigta Australia, taasi oo oo leh kayn isku dhex jirta.
0 Comments