Doorashada Golaha shacabka ee gobollada waqooyi oo ku soo dhamaatey sida la filayey

 

soorashooyinka

AC-WARAR

Madaxweyne Farmaajo oo labada kursi ee u horeeysay doorashada Golaha Shacabka ay kusoo baxeen saaxibadiisa ugu dhow.

RW ku Xigeen Mahdi Maxamed Guuled Khadar oo ah Guddomiyaha Xisbiga Nabad iyo Nolol ayaa helay 97 cod. Mahdi waa mas'uulka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo marki laga tago La Taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasin.

Geesta kale Xildhibaan Biixi Iimaan Cige ayaa isagana helay 91 cod , wuxuuna mar labaad xajistay booskiisa Xildhibaan-nimo. Biixi waxaa lagu xasuustaa in sanadkii 2016/2017 uu ahaa madaxii ol-olaha Madaxweyne Farmaajo wuxuuna hada u qaabilsan yahay ol-olaha Xildhibanada Somaliland kaso jeeda, waana shaqsi uu aad ugu kalsoon yahay.

Doorashada Madaxweynaha Soomaliya 2022 wexey u badan tahay in uu Madaxweyne noqon doono musharaxa heysta aqlabiyadda labada maamul ee Somaliland iyo Koonfur Galbeed, waxeyna u muuqataa in Madaxweyne Farmaajo labadaas goobood uu murqo waaweyn ku leeyahay.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mahdi Guuleed ayaa aheyd mid hore loo sii saadaalinayey oo la ogaa maadaama uu isagu keensaday gabadha la tartameysay. Madaxwaynaha mudo xiliyeedkiisu dhamaaday ayaa si badheedh ah dib ugu dhigay arimaha doorashada ilaa iyo inta ay ka suura-galayso inay wada guulaystaan musharaxiintiisu.

Waxaanu markasta ku dadaalayaa inuu soo saaro dhamaan siyaasiyiinta taageersan si uu ugu guulaysto marlabaad madax-tinimada Somaliya

Tan ilaayo markii la doortay Farmaajo kama shaqaynayn danaha Somaliya iyo umadii dooratay, balse wuxuu hamigiisii kusoo koobay danihiisa gaarka ah oo kaliya.

 

 

Post a Comment

0 Comments