1 Milyan oo Dollar oo ay u qoondeysay Xukuumadda Soomaaliya Gurmadka Abaaraha

 

Gurmadka Abaaraha.

A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha XS ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha, kaas oo loogu dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Sidoo kale, intii uu shirka socday waxaa si dood adag looga yeeshay sidii deeqdaasi intaa looga badan lahaa, islamarkaana Gurmad deg deg ah loola gaari lahaa Dadka Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran oo ay saameynta xooga leh ku yeelatay, iyadoo intaaba dhinacyada shirka ay isla qaateen.

Ra’iisul Wasaaha aya dhankiisa waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta wax heysata oo ay ugu horreeyaan ganacsata iyo Qurba joogta ugu baaqay in walaalahooda ay gurmad la gaaraan, maadama Xukuumadiisa uu sheegay in ay ka go,an tahay iney soo wado dadaalka lagu caawinayo dadka abaarta la dhiban.

 

Post a Comment

0 Comments