Waxaa xalay xaafada Oobasiibka Xalane ee Degmada Wadajir ka dhacay dil
argagax badan leh, kadib markii wiil 20 sano jir ahaa uu si arxan daro ah
toorey ugu dilay Aabihiis oo 60-sano jir ahaa.
Goobjoogayaal ku sugan xaafada dilku ka dhacay ayaa ku waramay in Wiilkan
oo lagu magacaabayay Cabduqaadir Cusmaan Garbooje toorey ku dhuftay aabihiis
sidaasna ugu geeriyooday tooreyda lagu dhuftay.
Wiilka dilka geestay ayaa la sheegay in uu isticmaali jiray balwada maan
dooriyaha, waxaana la sheegay in aabihiis u dilay kadib markii uu dhoor mar
canaantay uuna soo kala dhax galay khilaaf.
Ciidamada booliiska ayaa baadi goob ugu jira wiilkan dhalinyarada ah ee
dilka u geestay aabihiis, kaa oo la sheegay in uu baxsaday, waxaana dhacdadan
si weyn uga argagaxay dadka deegaanka iyo kuwa ehelka la ahaa qoyskaasi.
Maalmo kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale magaalada Muqdisho xabad ugu
dilay aabo wiil 20-jir ahaa uu dhalay, kadib markii wiilka iyo xaaska aabihiis
uu soo kala dhax galay muran taa oo keentay in aabaha la safto xaaskiisa uuna
dilo wiilkiisa.
0 Comments