Soomaalidu Cuntadee ayay caalamka ugu faantaa

 

somalia

A C-WARAR

Muddo aan saas usii fogeyn, maqribnimo Jimce ah oo uu roob ka da'ayay, ayaa koox saaxiibbadeey ah kusoo dhaweeyay guriga aan dagganahay, si ay iila wadaagaan cunto Soomaali aan diyaarinayay muddo saacado ah.

Waxaa ku jiray noocyo badan oo ka mid ah raashinka ay Soomaalida jecel yihiin, sida bariis iyo hilib, kuwaasoo aan ku kariyay dhirta carafta ee ay ku jiraan heyl, xawaaji iyo dhagayare.

Waxyaabahan waxay raashinka si rasmi ah uga dhigayaan cunto Soomaali - oo waxyaabo badan ka kooban aadna u macaan.

Baariska waxaan la keenay hilib - gaar ahaan nooca hilib geel - oo ah mid si tartiib ah muddo saacado ah loogu huuriyay geedo caraf kulul oo ay ka mid yihiin basal iyo toon.

Waxaa kale oo aan miiska soo dhigay cunto Soomaalidu aad u isticmaalaan oo ah baasto suugo looga dhigay hilib shiidan - waana raashin kasoo aasaasmay markii ay Soomaaliya ku jirtay gumeysigii Talyaaniga.

Balse Soomaalida waxay ka baddashay in in ku darsato hilibka lo'da, ariga ama geela, annagoo ku carfinna geedo aan si gaar ah u naqaanno, kuwo kalena ku kululeyna, sida basbaaska.

Cunto Soomaaliga waxaa laga heli karaa makhaayadaha Soomaalida iyo guryaha Soomaalida qurbo joogta ah

Raashinka Soomaalidana wali ma dhammeystirna haddii aan lasoo raacinin moos iyo basbaas shigni. Shigniga waxaa laga sameeyaa basbaaska cagaaran oo lagu kariyay yaanyo, raqay iyo kabsar caleen.

Mar walba waan jeclaan jiray inaan kariyo iyo inaan cuno raashinka ay caanka ku yihiin Soomaalida.

Sannadihii aan barashada cunto karinta waday waxaan ku qaatay jikada anigoo daawanaya dumarka qoyskeenna oo diyaarinaya cunto aad cajiib u ah.

Balse bilihii ugu dambeeyay, oo aan ku xayirnaa London, saraffadiina loo joojiyay cudurka Covid-19 awgiis, waxaan ogaaday in raashinka aan karsanayay uu aad ugu ekaaday cunto Soomaaligii la yaqaannay.



Post a Comment

0 Comments