Sheekada ninka keligii ah ee ku nool kaynta Amazon

 

brazzil

A C-WARAR

Muddo laba sano ah, waxaa baraha bulshada lagu wadaagayay muuqaallo dhif ah oo muujinaya nin la sheegay inuu yahay qof keligii ah oo ku nool kayn gudaheeda.

Ninkan oo da'diisa lagu qiyaasay 50-iyo-dhowr sano jir, ayaa la sheegay in kaynta Amazon ee dalka Brazil uu kaligiisa ku noolaa muddo 22 sanno ah, kaddib markii la dilay xubno ka tirsanaa qoyskiisa.

Muuqaal ay soo qaaday laanta ilaalinta xuquuqda dadka ku nool halkaasi, ayaa sidoo kale muujinaya ninka oo Masaar ku jaraya geedo dhowr ah ooku yaalla kaynta gudaheeda, waxaana si wayn loogu baahiyay dunida.

Muuqaalkan ayaa ah mid aad naadir u ah, waxaana laga dhex arkayaaninkan oo ah "qofka keliya ee meel ku nool keligiis".

Funai oo ahaa qofka la socday dhaqdhaqaaqa ninkan illaa sannadkii 1996-dii ayaa sheegay in uu weli nool yahay, islamarkaasna loo baahan yahay in aan lagu xadgudbin dhulka uu isaga ku dhaqan yahay oo ku yaalla gobolka waqooyi-galbeed ee Rondonia oo ku yaalla dalka Brazil.

Dhulka uu kaligiis ku nool yahay ninkan ayaa ku fadhiya 4,000 hektar, waxaana ku hareeraysan beero gaar loo leeyahay. Digniin ay soo saartay laanta difaaca xaywaanada iyo dadka ku nool kaymaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in aanan lo ogolayn in la galo kaymaha oo dhibaato loo gaysto ninkaaasi cidlada ku nool

Sida ku xusan sharciga waddanka Brazil, dadka lamidka ah ninka oo kalinimada doorbiday, waa in loo difaaco dhulka xaqa ay leeyihiin inay ku noolaadaan.

Fiona Watson oo agaasimaha waaxda darasaadka iyo arrimaha xuquuqda badbaada caalamiga ah ayaa sheegtay in dowladda Brazil ay masuuliyad iska saarto ammaanka ninkan, sii loo ilaaliyo noloshiisa.

Fiona Watson waxay intaasi ku dartay in soo daynta muuqaalkan ay arrimo siyaasadeed ka dambeeyaan. waxay intaasi ku dartay in weerar lagu hayo dadka iyo xayawaanada ku nool kaymaha dalkaasi.

Ninkan waxaa lagu tiriyay inuu yahay qofka kaliya ah ee ka badbaaday kooxo beeralay ah oo weerar lagu qaaday sannadkii 1995-tii. Waxaana la sheegay in weliggiis uusan qof la hadlin ama la xiriirin, wixii ka dambeeyay waaggaasi.

Lama garanayo qowmiyadda uu ninkan ka tirsanyahay, luqadda uu ka hadlana cid garanayso ma jirto.

 

Post a Comment

0 Comments