ninkii carruurta dhiiggooda cabi jiray oo shacabka Kenya dileen

 

kenya

A C-WARAR

Dad badan oo ku nool Galbeedka Kenya ayaa isugu tagay oo dilay ninkii qirtay in uu carruurta dili jiray ka dibna dhiiggooda cabi jiray. Ninkaas ayaa laba maalmood ka hor ka baxsaday saldhig boolis oo ku yaalla Nairobi.

Masten Wanjala, oo 20 sano jir ahaa, waxaa dabagalay dad ku nool magaalada Bungoma, isagoo ku dhuumanayay guri, ka dib garaacid ayey nafta uga qaadeen, sida ay sheegeen.

Ka dib markii uu saldhigga ka baxsaday, booliska Kenya waxay billaabeen howlgal ballaaran oo lagu raadinayay ninkan qirtay in uu dilay 10 canug, shan sano gudahood.

Wuxuu qirtay in mararka qaar uu dhulka ku jiidi jiray, dhiiggoodana cabi jiray.

Waxaa la sheegay in uu dib ugu noqday guriga waalidiintiisa - kuwaas oo iska deyriyay ka dib markii dembiga uu galay - waxaana ceeji iyo garaacid ku dilay dadkii deriska oo bannaanka ku arkay, kuwaas oo u raacay illaa gurigii uu ku dhuumanayay, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah oo la hadlay wargeyska The Standard.

Wuxuu isku deyay in aysan ka shakinin dadka deegaanka, wuxuuna ku dhuumanayay guri aan ka fogeyn midka waalidkiisa, sida uu wargeyska ka soo xigtay taliyaha booliska ee magaalada Bungoma.

Waxaa loo maleynayaa in waalidkiisa ay garteen maydkiisa, balse afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in weli ay baarayaan si ay u xaqiijiyaan in Wanjala uu dhintay, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

"Ma garan karno sida ay ugu suuragashay in uu u kala safro Nairobi iyo illaa tuuladii uu ku dhashay," ayuu yiri Musyoki Mutungi.

"Dadka deegaanka oo aad u feejignaa ayaa marka hore gartay oo ka dibna u baxay in ay dilaan ka hor intaan boolisku ogaanin."

Wanjala wuxuu carruurta iskaga dhigi jiray tababare dhanka ciyaaraha ah, ka dib ayuu u kexeysan jiray meel cidlo ah oo uu ku dili jiray.

Mararka qaar wuu afduuban jiray carruurta, wuxuuna waydiisan jiray madax-furasho.

Ka dib markii la xiray bishii July, wuxuu booliska geeyay meelo kala duwan oo carruurta uu ku aasay, waxaana laga soo helay maydad dhowr ah.

Dilka wuxuu ka geystay Nairobi, iyo qeybo ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Kenya.

Seddax askeri oo shaqada ku jiray markii uu ka baxsanayay xabsiga ayaa la horgeeyay maxkamad, waxaana looga shakisan yahay in ay ka caawiyeen baxsashada iyo in ay feejignaan la'aan ahaayeen.

Booliska waxay sheegeen in maqnaashihiisa la dareemay subixii, xilligii toosinta maxaabiista.

Farriimo badan oo Twitter-ka ay soo dhigtay Laanta Dembi Baarista Kenya, waxay ku sheegtay in ay ka shalayneyso in Wanjala uusan cadaaladda wajihin.

Waxaa mid ka mid ah farriimaha ku xusan: "Xeerka duurka oo ay fuliyeen dad careysan ayaa guuleystay".

Waxaa sare u sii kacaya dadka dalbanaya in taliyaha booliska Kenya uu is casilo ka dib baxsashada ninkaas oo lala yaabay.

Post a Comment

0 Comments