marka aad gaarto 40 jir Cuntooyinka aad u baahantahay in aad badsato

 

Cuntooyinka

A C- WARARA

Cuntada waxay door weyn ka ciyaartaa nolosha aadanaha, waxaana loo baahan yahay in qofka uu qaato cuntooyin nafaqo leh.

Dhakhaatiirta waxay dadka kula taliyaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran oo nafaqo leh si sare loogu qaado caafimaadka.

Mar kasta oo qofka da' sii noqonayo waxaa lagu la taliyaa in uu wax ka baddalo hab dhaqanka dhanka cuntada si loo xoojiyo difaaca jirka iyo arrimaha caafimaadka.

Cuntooyinka la rabo in aad badsato marka aad gaarto 40 jir

Dr Sacdiya Muusa oo ah dhakhatar ku takhasustay arrimaha nafaqada kana howlgasha jaamacadda Ilorin Teaching Hospital ee Nigeria ayaa BBC u sheegtay in muhiim ay tahay in qofka uu wax ka baddalo cuntooyinka uu qaato marka uu gaaro 40 jir.

Waxay sheegtay in qofka marka uu da' sii noqonayo uu halis ugu jiri karo inay ku dhacaan cudurrada.

Waana sababta ay dadka da'da ah ugu baahan yihiin inay helaan cuntooyin isku dheelitiran oo caafimaad leh si u noqdaan dad leh jir xooggan oo caafimaad leh, sida ay sheegtay Dr Sacdiya.

Waxay intaas ku dartay in haddii qofka uu iska indhotiro talooyinka caafimaad ee cuntooyinka marka da' yahay in halis uu ugu jiro inay ku dhacaan cudurro sida dhiig karka, sokorta.

Dr Sacdiya waxay sheegtay in cuntooyinka soo socda looga baahan yahay in qofka uu qaato marka uu 40 jir gaaro.

Hilibka Kalluunka

Geed dhireedka sida Moringa, salak iyo alaiyahu.

Khudaarta

Cunidda Mushroom-ka

Cuntooyinka jirka dhisa sida dhigirta, ukunta.

 

Post a Comment

0 Comments