khudbadii Farmaajo ee ​​caleemo saarka Abiy Axmedsii oo dhalise buuq

farmaajo


 A C-WARAR

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee xukunka isku dhajinaya  Maxamed Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya

 Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan xukunkiisa ayuu ka badin waayey Farmaajo wuxuu iibinayaa Soomaaliya si uu u gaaro himilooyinka uu la leeyahay Abiy Axmed

Abyi Axmad ayaa Farmaajo u sheegay in Tigrey uu kaga guuleystay dagaalka uu la galay islamarkaana doorashada dhacday aysan ka qeyb qaadan Waxaa uu dhnka kale Abyi xusay inuu kusoo baxay doorasho aysan inta badan dadka rabin islamarkaana uu ku imid farsamo , musuq iyo lacago uu bixiyay.

Farmaajo oo ka qeyb-galka munaasabadda caleema saarka Abiy Axmed ayaa ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo hadal badan dhalisay, maadaama uu ka been sheegay xiriirka Somaliya iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in labada dal ay saaxiibo iyo xiriir wanaagsan leeyihiin

Somaliya iyo Itoobiya weligood ma yeelan xiriir wanaagsan, kahor Farmaajo iyo Abiy Ahmed, waana laba dal oo weligood caddaawad iyo loolan uu ka dhaxeeyey, tan iyo intii ay Ethiopia gumeysaneysay dhul Soomaaliyeed.

Dhanka kale Farmaajo ayaa waxa ay dib u doorashada Abyi kaga dhigantahay guul weyn isaga oo doonaya Farmajo inuu garab ka helo Itoobiya.

Dhanka kale waxa uu ka rajeynayaa Farmajo in ciidan qaas ah uu u tababaro Abyi Axmad si uu dalka u qabsado.

Lama oga in db u doorashadisa ay taageersan yiiin Beesha Caalamka madama ilaa hadda aysan war ka soosaarin.

Dowlada Itoobiya ayaa dano badan ka leh Soomaaliya waxana xusid mudan in Farmaajo uu yahay mid dawo dhilif u ah abii axmed oo hadiyo jeer u hogaansan in uu fuliyo hadalkiisa

Farmaajo waa karti la'aan, mana sii wadi karo xukunka, waxa kaliya ee uu daneynayaa waa dhaqaalaha ay Itoobiya siiso si uu talada dalka ugu soo laabto, waana sababta uu uga hadlayo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya iyo inuu doonayo inuu caburiyo Al-Shabaab isagoo kaashanaya Itoobiya. , laakiin xaqiiqdu waxay tahay inuu u adeegsado Itoobiya inuu maalgeliyo oo awood u siiyo xukunka sharci -darrada ah eeSoomaaliya

Post a Comment

0 Comments