Heshiiska ay gaadheen Rooble iyo Farmaajo iyo farmaajo oo damacsan in uu laaluusho musharaxiinta barlamaanka

 

farmaajo

A C-WARAR

Farmajo iyo RW Rooble ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray in Farmaajo uu aqbalo dhamaan magacaabsitii uu sameeyay RW Rooble wararku waxa ay intaas ku darayaan in Farmaajo asagana dhankiisa dalbaday in RW Rooble uu hoos u dhigo kiiska Ikraan Tahliil si aan maxkmadda loo geyn dadkii ku eedeysnaa

Siyaasiyiin dhowr ah ayaa ka hadlay heshiiska ay xalay Madaxtooyaadda Somalia ku gaadheen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu xaliyey khilaafkii u dhaxeeyay.

Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin aragtidooda ku aadan heshiiska, hase yeeshee waxaa ka hadlay dhowr xildhibaan iyo murashax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan Maxamed Abtidoon: Waxaan bogaadinayaa heshiiska madaxda Qaranka caawa ka gaareen khilaafkii ragaadiyay hawlihii qaranka. Waxaan ugu hambalyeenayaa madaxweynaha Koonfur galbeed mudane Cabdicasiis Laftagareen guusha uu ka gaaray heshiisiinta madaxda qaranka. Waxaan talaabadaan ka baraneynaa in musuulkii daacad iyo dhexdhexaad ka ah xal u helidda khilaaf jira in uu Allah ku guuleynayo.

Qoorqoor wuxuu ku fashilmay dhexdhexaadinta madaxda. Fashilkiisana waxaa kalifay in uusan daacad ka aheen xalinta khilaafka iyo in uu dhinacyada is hayana mid ka mid ah uu la jiray.

farmajo ayaa raba inuu ka badbaadiyo saaxiibadiisa in maxkamad la soo saaro asiga oo u galay dagaal walba waa inuusan RW rooble uusan aqbalin in ikraan tahliil cadaalad weyso mida kale farmajo wuxuu isku dayayaa inuu xakameeyo doorashooyinka si uu xukunka u sii joogo waa in shacabka somaliyeed ay ka hortagaan arintaan ayna sameeyaan banaan baxyo waaweyn si ay dalkooda u badbaadsadaan

Sida muuqata R/wasaare Rooble ayaa ku adkaaday dagaalkii siyaasadeed marka loo eego %80 in sidii uu doonayey madaxweyne farmaajo u ogolaaday.

1-Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur Abdullahi Mohamed Nur oo wasiirki amniga loo daayo maadaama xilkiisa uu qeyb ka ahaa waxyaabaha la isku hayey.

2-Sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa lagu heshiiyey in laga laabto xilkii Agaasimaha KMG NISA loo magacaabay taas badelkeeda waxaa laga dhigi doonaa Goobe Wasiir-dawle 

3-Heshiiska waxaa ku jira in Gaashaanle Sare Yaasiin C/llaahi Fareey uu sii heyn doono si kumeel gaar ah Taliyaha Hay’ada Qaranka ee NISA ilaa Madaxweynaha uu soo magacaabayo Taliye la isla ogolyahay golaha wasiiradana ay ansixiyaan.

4-In dar dar gelinta Arimaha doorashooyinka ay sii socdaan lana guda galo kuraasta golaha shacabka.

5 -Heshiiska waxaa ku jira in Kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo madax banaaneeyo garsoorka shaqada ku leh oo arimo siyaasadeed aan laga dhex raadin.

Sidhookale kaligii taliye farmaajo ayaa wadah isku dayaya uu ku doonbaayo inuu gacanta ku dhigo doorashooyinka barlamaanka si uu xukunka u sii joogo isagoo kaashanaayo madaxda gobolda taabacsan waa in shacabka somaliyeed ka hortagaan arintaan ayna sameeyaan banaan baxyo waaweyn si ay dalkooda u badbaadsadaan

Post a Comment

0 Comments