Hees ayaa halmar ka qaraxday Tiktok iyo YouTube ka

heestii qabsatey baraha bulshada


 A C-WARAR

Heestaan ayaa Tiktok halmar ka qaraxday, kedibna wixii Ajnabi ahaa YouTube ayay ka raadiyeen, qaarkii heesta helay faallooyin kala duwan ayay ka bixiyeen.
Ajaanibta Af-Ingiriiska wax kusoo qoreyso amaan ayay u bateen iyo inay rabaan heesta in Spotify iwm loosoo geliyo, si ay u dhageystaan marwalba, fanaanada lacag uga sameyso halkaas.
Lkn qaar badan oo Af-Carabi kommenti kusoo qoray waxay ku mashquuleen Gabadha hareedkeeda, qaar baa taagan gar bay leedahay, mid baa yiri garka xoogaa haddii ay sii deyn lahayd suunka kursiga baabuurka ku xiran oo kale ayuu noqon lahaa iwm.

Waxaan awal hore la yaabsanaa Soomaalida oo wax haddii ay arkaan mowduuca ka baxa oo shakhsiga ku mashquula, aad baana taas ula yaabsanaan jiray.
War illeyn mashquulka noocaasi oo kale Carabta deriskeena ah ayaan ka keenay miyaa?!

Umadaha kale Muslim iyo gaalba qofka kuma mashquulaan inta badan, lkn sheekadaan carabta ay wadaan iyo tan Soomaalida aan ku arkay waa mid waali ah.
Hadda caawaa ugu danbeysay qaar badan ayaa kommenti mashquul qaldan ah ka bixinayay sawirka Nin Wasiir ah oo Maamulka Puntland ka tirsan, ayagoo ku tilmaamay inuu si kale u egyahay.

Ilaahay amarkiis.
Reer Magaal ha la iska dhigo yaakhe.

Habeen wanaagsan

Post a Comment

0 Comments