Haweeney ajnabi ah oo xaley iska soo tuurtay dabaqa sare ee hotel ku yaalla Garowe

garowe



 A C-WARAR

Dr. Naadiya oo ah haweeney u dhalatay dalka Itoobiya ayaa caawa ka soo dhacday dabaqa sare ee hotel City view oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Haweeneydan oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen ayaa loola cararay Isbitaal ku taalla magaalada Garowe oo haatan lagu dabiibayo

“Xaalad adag ayey ku sugan tahay haweeneydan balse waan dedaalaynaa” ayuu yiri dhaqtar ka tirsan Isbitaalka Qaran oo lagula tacaalayo dhaawaca haweeneydan

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan ay u dhaxdo dhakhtar Turki ah oo ay dhowaan kula aqal gashay Garoowe.

Weli lama oga in haweeneydan ay dabaqa iska soo tuurtaym laga soo tuuray amaba ay si si shil ah uga soo dhacday, waxaana socda baaritaan ay wadaan laamaha amaanka Puntland.

 

Post a Comment

0 Comments