Farmaajo oo willi sii wadah carqaladeynta doorashooyinka dalka

 

farmaajo

   A C-WARAR    

Ciidamada Ahlu Sunna ee gacanta ku hayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta howlgalo militari ka sameeyey gudaha magaalada, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay soo weeraraan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ciidamo tiro badan, islamarkaana ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus iyo gaadiidka dagaalka ayaa maanta lagu arkay gudaha magaalada Guriceel halkaas oo laga cabsi qabo inuu dagaal ku dhex maro ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Dagaalkan ayaa ah sida muuqato qorshe lagu carqaldaynayo doorashooyinka dalka ka socda, waxaana xusid mudan inaan ilaa hadda la dhamystirin doorashadii aqalka sare ee Galmudug .

kaligii taliye farmaajo ayaa u adeegsanaya Qoor qoor iyo Ahlu sunna in Fidno iyo rabshado laga abuuro Galmudug si xaalada amni ee somaliya faraha uga baxdo, Kadibna farmaajo xukunka sidaas kusii hayo.

Farmaajo wuxuu adeegsanaya ciidamada gorgor si uu u huriyo colaadda Galmudug waxa uu qoorqoor ku amray in uusan dhameyn doorashada aqalka sare maadaama gobolka ay ka jiraan laba kursi oo banaan

Qaskaan iyo rabshadaha siyaasadaysan ee farmaajo ka dhex abuurayo umada somaliyeed ayaa ah qorshe lagu soo celinayo muddo korarsigii sharci darada ahaa ee markii hore farmaajo ku guul daraystay qorshahaan ayaa waxaa soo abaabuley fahad yasiin oo ah saaxiibka uu ku dhaarto kaligiitaliye farmaajo

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliyam Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad si weyn loogu maamusayey ergada Soomaaliya ee kiiska badda ayaa soo hadal qaaday doorashooyinka. Rooble ayaa shaaca ka qaaday in si deg-deg ah loo guda-galayo doorashada xildhibaanada aqalka hoose, isla-markaana la bilaabayo todobaadka soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Post a Comment

0 Comments