Farmaajo oo uu isku dayaayo in uu wiiqo doorashooyinka iyo cadaalada ikraan

 

farmaajo

A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaalaiya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo wasiirka amniga gudaha ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Rooble ayaa  warbixin ka dhageystay agaasimaha Hay’adda NISA ee Madaxwayne Farmaajo uu Xilkaasi si KMG ah ugu Magacaabay Yaasin Farey iyo saraakiisha kale ee hay’adda.

“Dalka Soomaaliya Masaxkada maamusha waa Hay’adda Nabad Sugida Qaranka, waana meesha sida Maskaxda Bini Aadamka wixii khatar ah ka digta”. Ayuu yidhi Rooble. Rooble Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay inay tahay Hay’ad muhiim ah oo Isaga iyo Madaxwaynaha ay garab taagan yihiin NISA.

Wuxuu Faray inuu Badiyaan Feejignaanta iyo soo jeeda,    Wuxuu sidoo kale Hay’adda NISA ku Bogaadiyey  siday isugu duuban yihiin, Wuxuuna xusay inuu ka qayb noqon doono Taageerada.

Dhinaca kale Raysal wasaare Rooble wuxuu Masuuliyiinta Hay’adda NISA ka codsaday inay kala shaqeeyaan  Xeer ilaalinta Kiiska ikraan Tahliil Faarax.

Dhanka kale madaxweyneDeni ayaa Farmajo ku weeraray inaanu ka hadlin doorashada inkasta oo hadalkiisa ka dib uu Farmaajo soo saaray qoraal uu ugu hambalyeeyey waxaan ka xumahay madaxweynaha Somalia iyo Villa Somalia oo aan wax qoraal ah kasoo saarin arrintaan aadka u weyn

VillaSomalia ayaa laga bartay inay wax kasta oo dhaca ay baaq ama hambalyo kasoo saarto waxaa halkaa ka muuqanaysa in badana aan ku celcelin jirnay Madaxweyne Farmaajo doorasho qof iyo cod ah ma rabo federaalna maba rabo maanta ayuu caddeeyay runtii inuusan rabin doorasho qof iyo cod

Farmaajo ayaa la rumaysan yahay inuu weli ku dadaalayo sidii uu xukunka ugu sii nagaan lahaa, iyo inuu carqaladaynayo doorashada dalka ka socota, isagoo dalka ka dhex wadaa fowdo iyo rabshado si uu  mar kale u samaysto muddo kororsi sharci darro ah.

Fahad oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ka caawiyey Febraayo, 2017-kii in uu hogaanka dalka ku guuleysto ayaa lagu eedeeyay in uu mas’uul ka yahay xasarado siyaasadeed iyo Khalkhal amni oo dalku wajahay.

Farmaajo iyo Fahad ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayayaan in ay Soomaaliya dib ugu celiyaan nidaam xukun kalitalisnimo ah.

Mucaaradka wuxuu tibaaxay muddo kororsigii labada sano ee dalka qarka u saarey colaad sokeeya ay wada qorsheeyeen.

 

Post a Comment

0 Comments