Farmaajo oo isku dayaya inuu qurxiyo muuqaalkiisa kadib guusha la filaayo October 12

 

farmaajo

A C-WARAR

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa maxkamadda caaalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.

Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarta Talaadada oo ku beegan 12-ka October.

Kenya ayaa mar sii horreysay ee sannadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.

Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay.

Kamau ayaa sheegay in dacwadda badda ay ka baxsan tahay xeyndaabka maxkamadda isagoo sidoo kalana shaki geliyay dhexdhexaadnimada maxkmadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague.

Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Dacwadda ka dhanka ah Kenya ee taalla maxkamadda, iyo in maxkamadda ay gacmaha la gashay dacwad ka baxsan xeyndaabkeeda sharci, waxay marag u yihiin xeeladaha cusub ee loo akeysiinaya caddaaladda si loo minjaxaabiyo madaxbaannaanideena”, ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya.

Kenya ayaa in muddo ahba ku adkeysanaysay in dacwadda badda lagu xalliyo wadahadal halka Soomaaliya ay doorbiday in lagu xalliyo maxkamadda ICJ. Warka Kenya kasoo baxay ayaa ka dhigan ‘Nin Col Hortii Jabay’ Waxaana isha lagu hayaa go’aanka Maxkmadda kasoo bixi doona.

Kiiskan oo 2014-kii ay maxkamadda ICJ geysay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay lacagtiisa bixisay dowladda Imaaraadka, dad badan oo qareenno iyo shacabna ka qeybgaleen isla markaana soo maray labo heer, Soomaaliyana ay ku guuleysatay heerka hore ee ahaa in maxkamadda ay kiiska qaadi karto

halka midkii ugu dambeeyey ee ahaa muranka dhul badeedkana loo madalsan yahay October 12 ayaa waxaa soo baxaya in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu maalmahan wado dadaallo la xiriira qabashada xaflado waaweyn, iyada oo laga cabsi qabo inuu siyaasadeeyo guusha kiiska badda, isla markaana u badalo olole siyaasadeed.

Iyadoo Farmaajo uu siyaabo kala duwan isku dayayo inuu qurxiyo muuqaalkiisa, haddana waa inaan la hilmaamin doorkii Madaxweynihii hore Xasan Sh. Maxamuud, oo lagu ammaanay inuu kor u qaaday kiiska muranka badda 2014 -kii. Farmaajo wuxuu noqday mid aan u qalmin inuu xukumo Soomaaliya, si kasta oo uu isugu dayo inuu hagaajiyo sumcadiisa.

 

Post a Comment

0 Comments