Farmaajo oo bilaabey sii kordhinta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya

  

farmaajo

A C-WARAR

Ilo sirdoon Oo la helayo ayaa sheegaya in al shabaab qorsheynayaan weerar ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho.Bartilmaameedkooda tooska ah lama carabaabin halka uu ku wajahan yahay balse waxaa laga digay weeraradaasi inay dhacaan.

Laamaha amniga ayaa la war geliyey inay feejignaan sameeyaan si looga hortego qaraxyo al Shabaab doonayaan.Si gaar ah Hoteel,Xarumo dawladeed iyo Koontaroolada Ciidanka ku baaraan baabuurta ayaa laga digay in beegsan karo.

Digniintani waxay kusoo aaday xilli shabkad Hubeysan ciidamada amniga Soomaaliya kusoo qabteen howlgal laga sameeyey Kaxda iyo garasbaaleey.Hub culus ayey Dawlada Soomaaliya soo bandhigtay Oo lagu soo qabtay howlgalkaasi.

Waxaa la aamin sanyahay in Farmajo iyo Fahad Yaasiin ayaa isku dayayaan inay fidiyaan rabshado si dib loogu dhigo geedi socodka doorashooyinka dalka intii suurtogal ah farmaajo wuxu adeegsanayaa Al-Shabaab qaraxyada ismiidaaminta ee la filayo inay ka dhacaan meelo kala duwan oo Soomaaliya

Kaligii taliye farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa isku dayaya inay muujiyaan inay yihiin kuwa la dagaalamaya argagixisada runtiina waa isha iyo taageerayaasha argagixisada Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay taliska jubland  ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta kusoo ku dhigeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay halkaasi.

“Hawlgal ay ciidamada jublaand ka sameeyeen kismaayo ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada kismaayo

War saxaafadeedka ayaa intaasi kusii daray “Waxay ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah loo qeeybiyey si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada jubaland

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii socon doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada kismaayo ee xarunta ganacsiga ee jubland

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada jubland ayaa xoojiyey baaritaanada lagu xoojinayo ammaanka magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Farmaajo iyo dhigiisa Fahad Yaasiin ayaa isku dayaya inay ka dhex abuuraan khilaaf iyo rabshado gudaha dalka, si ay dib ugu dhacaan arimaha doorashada oo haatan laga fara maroojiyay farmajo iyo kooxdiisa taariikh laawe yaasha ah.

 



Post a Comment

0 Comments