Farmaajo oo bilaabe isku day ah inuu xakameeyo doorashooyinka dowlad goboleedyada

 

doorashooyinka



A C-WARAR

Wakiillada Beesha Caalamka e Somaliya ayaa galabta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor waxay kula shireen qadka Zoom-ka iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay deegaanada maamulka Galmudug Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa wajaheysa guluf dagaal oo aad u culus,

waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan in dhowr jiho ay kasoo kulaalayaan ciidamada Galmudug iyo kuwo dowladda federaalka ee Muqdisho laga soo daabulay Farmaajo wuxuu bilaabay inuu adeegsado madaxweynaha galmudug si uu sii wado la dagaalanka ahlu suna

taas ayaa caddeyn u ah isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu adeegsado taageerayaashiisa oo ka socda maamul goboleedyada si dib loogu dhigo doorashada ayna u soo saaran xildhibaano asiga taageersan si uu u sii wado xasuuqa shacabka somaliyeed

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka ayaa A C u sheegay in ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Dowladda iney isku muuqdaan islamarkana ay kuwada sugan yihiin wadada Balamballe ee Guriceel kabaxda.

Xaaladda halkaas ayaa ah mid cakiran waxaana daqiqad walba la filan karaa inuu dagaal bilowdo iyadoo dadka deegaankana ay kal hore qaxeen.

Waxaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay sameeyeen diyaar garowgii ugu dambeeyay, waxaana saacad waliba la filan kara in dagaal uu qarxo.

Magaalada Gurceel ayaa ah haatan mid dadkii intoodii badnayd ay ka baxeen, kadib markii ay ka cabsaden in lagu dul dagaalamo, waxaana ay u baxeen Tuulooyinka hoos yimaada Magaalada.

Beesha caalamaka ayaa xalay ugu baaqday madaxweynaha Galmudug inuusan dgaal qaadin oo xaalada lagu xaliyo wadahadal iyo heshiiis.

xiisad dagaal ayaa waxaa la,aamin sanyahay in uu wado Farmaajo a kana shaqeynaya sidii uu xukunka u fidin lahaa isagoo fowdo iyo rabshado ka fidinaya Soomaaliya, sidoo kale wuxuu xakameynayaa dowlad goboleedyada si ay u taageeraan haddii la dhiso.

Post a Comment

0 Comments