Farmaajo ayaa mas’uul ka ah dib u dhaca doorashooyinka dalka

doorashooyinka


 A C-WARAR

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka heer federaal Maxamed ciro ayaa sheegay in caqabado isbiirsaday ay keeneen dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka wuxuuna tilmaamay in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhacyada doorashada ku yimid

Soomaaliya waxay la ildaran tahay dib u dhigista iyo dib u dhaca doorashada sababo la xiriira dib u dhigista Farmaajo, wada shaqeyn la’aanta iyo inuu mar walba ka faa’ideysto duruufaha iyo isku daygiisa inuu hurinayo wixii dhibaato ah ee Soomaaliya ka jira si dib loogu dhigo doorashooyinka

Dhinacakale Golaha Midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dib u dhaca markale ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka Qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Hay’adihii dowladda federaalk oo muddo xiloodkoodii sharciga ahaa dhammaatay

waxey keentay hubanti la’aanta siyaasadeed oo sababtay in yididiilladii shacabka yaraato, mugdina hareeyo maalgashigii ganacsi heshiisyadii caalamiga ahaa kaalmooyinkii dhaqaale, dayn cafinta iyo mataaladdii Soomaaliya ee fagaarashayaasha caalamiga ah

Jadwal doorasho oo horey usoo saareen Golaha Wadatashiga Qaran uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Rooble ayey ku shaaciyeen in doorashada Madaxweynaha dhaceyso 10-ka bisha October oo shalay ku beegneed, hasa ahaatee jadwalkaasi ayaa noqday mid fashilmay.

Dib udhacaas oo kii sadexaad ah ayaa la rumaysan yahay inuu sabab u yahay farmaajo, madaama uu hamigiisii kusoo koobay inaanay doorasho somaliya ka dhicin sida falalkiisii udanbeeyay laga dareemi karo.

Farmaajo wuxuu u adeegsadaa carqaladeenta doorashooyinka guddoomiyaasha gobollada daacad u ah si uu dib ugu dhigo doorashada gobollada taasi oo u ah halboolaha doorashooyinka dalka

 

Post a Comment

0 Comments