A C-WARAR
Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa sheegtay in Isbitaalka
martiini ee magaalada Muqdisho dib u bilaabi doono howlihii caadiga ahaa ee
bulshada u haayay .
Isbitaalka oo Sanad ka hor markii uu dalka yimid xanuunka Corona Virus
dowladda ay sheegtay in ay loo gaaryeelay Isbitaalka dadka uu soo rito xanuunka
Corona Virus .
Qoraal lagu daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu
sheegay maadama uu yaraaday xanuunka Covid-19 in Isbitaalka loo fasaxayo in uu
qabto howlaha kale ee Caafimaadka.
“Isbitaalka Guud Ee Demartino wuxuu bulshada la socodsiinayaa in uu
isbitaalka dib u bilaabay shaqadiisa caadiga eheed maadaama ay hoos u dheceen
xaaladaha COVID19 ee Gobolka Banaadir.”
“Wuxuu isbitaalka qaabili doonaa bukaanada cudurrda guud , Cadurrada
Caruurta , dhalmada iyo cudurrada haweenka iyo Qaliimada guud.”
“Sidoo kale isbitaalka wuxuu sii wadayaa u a deegidda bukaanada u soo rito
caabuqa COVID19 iyadoo loo asteeyo meel gaar ah.” ayaa lagu yir Qoraal lagu
daabacay barta Facebook-ga ee Wasaaradda Caafimaadka.
0 Comments