Soomaali orod-yahan ah oo ku guuleystay tartan balse wado khaldan ku orday



 A C-WARAR

Cumar Axmed waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee gaaray xariiqda guusha maalintii Axadda, balse waa loo diiday guusha

Ninkii ku guuleystay tartanka orodka kalabarka ah ayaa loo diiday guusha maadaama looga baahnaa oo keliya in uu ordo masaafe dhan 10k.

Tartanka lagu magacaabo "Bristol half marathon" oo la ordo 22km, ayaa dhacay xilli uu socday tartanka kale ee "Bristol 10k" oo qeyb ka ahaa munaasabadda orordka Great Bristol oo qabsoomay maalintii Axadda.

Cumar Axmed, ayaa markii hore isu diiwaan geliyay inuu ordo orodka 10k, balse waxa uu si khaldan uga qayb galay - kuna guuleystay - tartanka orodka kalabarka ah, kaasoo ku dhammeystiray 63 daqiiqo oo keliya.

Wiilkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa meel khaldan ka baxay markii uu gaaray goobta ay ku kala baxaan labada masaafe.

Maamulka tartanka ayaa go'aanka dambe ee ay soo saareen ku sheegay in qofka tartanka sida saxda ah ugu guuleystay uu ku dhammeystiray 67 daqiiqo.

Bayaanka lasoo saaray ayaa lagu sharraxay in Cumar uu meesha u yimid ka qayb galka tartanka 10k, loogana baahneyn tartanka kale, sidaas awgeedna ay "nasiib darro" ka qaadeen guusha uu gaaray.

Waxa ay qireen in Cumar Axmed "uu bandhig cajiib ah sameeyay", hase yeeshee ay cabasho ka heleen tartameyaashii kale, kaddibna la sameeyay baaritaan ay natiijadan ka dhalatay.

 

Post a Comment

0 Comments