R/wasaare Rooble oo Jawaabtii Ugu culeyd siiyey Farmaajo


 

A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay Farmaajo ee uu ku aqbalay shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin uguna magacaabay xil cusub

Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhamaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas

Tallaabada uu Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday qaaday saddex eed ayay qoorta u suraysaa.

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Haddaba, in uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, ku eedeeyo in uu cadaaladda hortaagan yahay, carqaladayna ku hayo doorashooyinka, tuhunna geliyo in uu kiiska ku lug leeyahay waxay ahayd jawaab sax ah.

Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan.

Tallaabooyinka Farmaajo qaaday waxay liddi ku yihiin fariintii ay soo dirtay Hooyo Qaali Guhaad, Beesha ay ka dhalatay Ikraan, iyo shacabka Soomaaliyeed ee cadaaladda jecel. Waxay kaloo liddi ku tahay baaqii shalay ka soo baxay beesha caalamka oo ay ku sheegeen in aan xiisadda taagan looga sii derin, kiiska Ikraanna si hufnaan leh loo baaro, isla-markaaana hogggaanka doorashooyinka looga danbeeyo RW Rooble.

Haddaba madaxda dawlad Goboleedyada, saraakiisha amniga iyo siyaasiyiinta rajada ama cabsida ka qaba in ay Farmaajo iyo Fahad awood la soo noqdaan, in ay indhaha kala furaan. Farmaajo waa nin quustay oo kaligiis aag cidla ah ka diriraya, ruux kasta oo doonta degaysa sii saarnaadana wuu la quusayaa.

Waxaan ugu baaqayaa intii U hiillisay markii  muddo kororsiga diidnay in ay maantana cadaaladda u hiilliyaan. Inta xilligaa aamusnayd, maantana aamuska hiillada ugu ah Farmaajo in ay hadlaan oo ay cadaaladda u hiilliyaan. Waa hubaal in cadaaladdu guulaysan doonto.

 

Post a Comment

0 Comments