RW rooble oo soo bandhigaey awoodiisa balanqaadey in uu dalka ka dhici doonto doorasho xalaal ah

 

rooble



 A C -WAWAR

Ra’lisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mohamed Hussein Rooble oo khudbad u jeediyay murashaxiinta iyo ergada dooraneysa xildhibaannada Agalka Saree e Somaliland, ayaa ergada kula dardaarmay in ay si caddaalad ah u doortaan.

Khudbaddiisa ayuu Ra’lisul Wasaare Rooble uga hadlay godobbo kale o la xiriira amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka yo kiiska Ikraan Tahaliil.

Wuxuu sheegay inuu doonayo dhameystirka doorashada Aqalka Sare si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Somaliya dadaaladaan ayaa carqalado ku ah farmajo iyo kooxdiisa  Shacabka Soomaaliyeed waxaan Farayaa inaan Cadowga Alshabaab aanu ka Faa’iidaysan Ayuu yidhi Rooble.

Waxaan u taaganahay Cadaaladda kuwa dhibka u geystay Ikraan Tahlil ama maanta aan helno ama berri aan helno gacanta shacabka ayay soo geli doonaan, waana lala xisaabtami doonaa, qalbigiina kheyr u sheega,

Maxkamadda Milateriga ayaa loo xilsaaray, go’aankeeda ayaa sugeynaa, dhammaan howlaheeda inay wadato ayaa raieynayaa horayna waa u faray, haddana waa farayaa sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdaan, cadaaladaas ayaa na wada deeqdo Ayuu yidhi Rooble.

Ra’lisul Wasaaraha ayaa ugu baagay dowlad-goboleedyada inay. soo dhammeystiraan xubnaha ka dhimay xildhibaannada agalka sare, si loo doorto guddoonka Agalka Sare.

Hadalka Roobley ayaa xaqiijinaya inuu isagu mas’uul ka yahay amniga iyo doorashooyinka Soomaaliya, inkastoo ay isku dayeen Farmaajo iyo kooxdiisa inay dib u dhigaan.

Farmaajo door kuma laha waana inuu joojiyaa falalka argagixiso ee uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed iyo doorashooyinka

 

Post a Comment

0 Comments