RW. Rooble oo shaqadii Ka joojiyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin

 


A C-WARAR

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Rooble waxa uu si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Arintan ayaa salka ku haysa Kiiska Muranka Xoogan uu hadheeyay Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd NISA taasi oo warbixin dhowaan hay’adda kasoo baxday lagu sheegay inay u gacan gashay Alshabaab.

Rooble ayaa markaasi kadib codsaday Warbxiin dhamaystiran, Balse Taliyaha NISA oo kasoo jawaabay ayaa sheegay inuu Warbixin siin doono Golaha Amniga Qaranka, Waxaana Xigtay Xilka Qaadista uu ku dhowaaqay Raysal wasaare Rooble.

Sidookale Midowga musharraxiinta wuxuu boggaadinayaa go’aanka ay mas'uuliyadda ku dheehan tahay ee uu RW Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha NISA. Go’aanku wuxuu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda.

Golaha Amniga Qaranka waa Gole la talin oo raacsan laanta fulinta ee ma aha Gole sifo sharci iyo mid dastuuri ahba leh. Waxaa intaa dheer in muddadii xil haynta dastuuriga ahayd ee dowladda ay dhammaatay.

Raysalwasaaraha iyo xukuumaddiisa qodobka 103-aad ee dastuurka ayaa siinaya awood xil hayn inta raysalwasaare iyo xukuumad beddesha laga helayo. Waxaa kaloo awood siinaya heshiiskii siyaasadeed ee xilka lagula wareejiyey oo uu madax ugu noqday Golaha Wadatashiga Qaran. Awooda shaci ka sokow waxaa jira masuuliyad akhlaaqi ah oo waajibinaysa in qoyska iyo ehelka Ikraan Tahliil oo la afduubay, lana dilay ay helaan caddaalad, lagana hortago wax kasta oo lagu dalfinayo ama lagu xagal daacinayo kiiska.

Haddaba dastuur, sharci iyo masuuliyad akhlaaqi ahba waxay ku waajibinaysaa Raysalwasaare Rooble in uu tillaabo aan dib dhac lahayn oo degdeg ah qaado.

Shacabka Soomaaliyeed waxay taageersan yihiin oo taageerayaan tallaabada Ra'iisul Wasaare Roobley uu xilka kaga qaaday Fahd Yaasiin.




Post a Comment

0 Comments