RW. Rooble oo ka horyimid Gudigii MD. Farmaajo ee Kiiska Ikraan Tahliil

 


A C-WARAR

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka horyimid Gudigii uu magacaabay Madaxwayne Farmaajo ee Kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

Dhinacakale  ilo-Sirdoon, ay xaqiijiyeen in Farmaajo ayaa ku hungoobay hirgalinta qorshe uu ku doonayay inuu ku tirtiro raadadka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacanta hoggaankii hore ee NISA, oo uu ugu horreeyo eedeysane Fahad Yaasiin.

Qorshaha ay Fahad iyo Farmaajo u xil-saareen Farey, ayaa ahaa inuu baabi’iyo dhamaan xogaha muhiimka ah ee yaalla Xaafiiskii Fahad Yaasiin, gaar ahaan kuwa la xariira kiisaska dilalka oo ay ugu horreeyaan waraaqaha ay ku xusan yihiin warbixinnada Ikraan Tahliil.

Sidoo kale, waxaa Farey loo xil-saaray, inuu meel kale u wareejiyo hub bastoolado u badan oo yaalla gudaha xarunta Nabad-sugidda, waxaana la faray inuu hanjabaad iyo digniinno cabsi galin ah u diro saraakiisha NISA, kuna amro in ay joogjiyaan amar ka qaadashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Rooble.

 Dhinacakale saraakiil ka tirsan NISA oo lugu eedeeyay kiiska ikran tahlil oo loo diiday in ay ka dhoofaan Airport Mogadishu

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha loo diiday inay ka dhoofaan garoonka Muqdisho ay kala yihiin Cabdullaahi Kulane oo loo yaqaan Kulane Jiis oo ku wajahnaa gobalka Gedo, iyo Sarkaal magaciisa lagu sheegay Wadna Qabad oo isagana safar u ahaa dalka dibadiisa. 

Wadna qabad ayaa la sheegay in uu ku dhoofayay baasaboor shisheeye oo ah dhalashadiisa 2-aad waxayna labada sarkaalba qeyb ka yihiin shaqsiyaadka ay dacwada ka gudbiyeen ehellada Ikraan Tahliil Faarax. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in la baaro saraakiisha lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil, ilaa amar dambana aysan Muqdisho ka bixi karin. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u ballan-qaaday in cadaaladda la marin doono kiiska Ikraan Tahliil, wuxuuna diiday qorshe uu soo jeediyey madaxweyne Farmaajo oo ahaa in qoyska Ikraan diyo la siiyo, islamarkaana kiiska halkaas lagu xiro, oo aan la baarin

 


Post a Comment

0 Comments