Halyeeyga kubbadda cagta ee reer Brazil, Pele, oo 80 jir ah, ayaa muddo
kooban dib loogu soo celiyay qaybta daryeelka degdegga ah ee Isbitaalka Albert
Einstein ee magaalada Sao Paulo Jimcihii, kadib markii ay neefsashadu ku
adkaatay.
Dhaqaatiirta isbitalkan oo bishii hore qalliin ku sameeyay ayaa sheegay in
hadda xaalka Pele uu degganyahay.
Isbitaalkan ayaa sheegay in dib ugu soo celinta qeybta degdegga ah ay ahey
“tallaabo ka-hortag ah” oo ku-meelgaar aheyd, waxaana dhaqaatiirtu intaa ku
dareen in Pele markii dambe loo wareejiyay qeybta caadiga ah, maadaama uu sidoo
kale ka soo kabanayo qalliin buro xiidmaha ah.
“Wadnihiisa iyo neefsashadiisu hadda waa xassiloonyihiin” ayaa lagu yiri
bayaan ka soo baxay isbitaalkan.
Warkan ayaa soo baxay waxyar kadib markii gabadha uu dhalay Pele oo lagu
magacaabo Kely Nascimento ay soo dhigtay barteeda Instagram-ka sawir iyada iyo
aabaheed oo ku jira isbitaalka, iyadoo dooneysay in muuuqaalkan uu farxad
geliyo taageerayaashiisa.
Pele oo ay dad badani u aqoonsan yihiin inuu yahay ciyaaryahankii abid ugu
fiicnaa kubadda cagta, ayaa caafimaadkiisu aad u liitay sannadihii u dambeeyey,
waxaana uu isbitaalka ugu jiraan xaalado kala duwan.
0 Comments