mucaaradka farmaajo oo marba marka kadanbeeso sii kurdhaayo

 


A C-WARAR

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo khadka taleefanka kula xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Qatar, ayaa ka wada-hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda somaliya.

Ilo- lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in Farmaajo ka codsaday Qadar inay si gaara ugu maalgeliso doorashada madaama uu ku hanwaynyahay inuu soo rogaal celiyo mar kale.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero farmaajo, waxaan afartii sano ee lasoo dhaafay aheyd taageeraha ugu weyn ee dhinaca dhaqaalaha maamulka Farmaajo.

 Dhinacakale Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa maanta shaaciyey inuu u taagan yahay kursiga Aqalka Sare ee uu xiligan ku fadhiyo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ayada oo la filayo in madaxweyne Guudlaawe uu dhowaan soo saaro liiska musharaxiinta  

cabdullaahi oo shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ayaa ka dalbaday xildhibaanada maamulka HirShabelle iinay u codeeyan uguna shaqeyn doono kursigaas islamarkaana uusan u adeegsan doonin dano gaar ah sida uu sheegay

Waxa marba marka ka danbaysa sii badanaya siyaasiyiinta mucaaradka ku ah farmaajo, waxanay gaadheen heer ay xitaa madaxda gobolada ee farmajo taageersani awoodi kari waayeen in ay meesha ka saaraan si ay farmajo ugu gacan galiyaan arimaha doorashada.

 

Post a Comment

0 Comments