Midowga Musharixiinta oo War Cusub kasoo saaray xaalada Dalka iyo Rooble oo ay taageereen



 A C-WARAR

Kaligii taliye Farmajo ayaa codsaday inuu bixiyo diyada ikraan tahlil oo kiiskaas halkaa lagu xidho, codsigaa ayaana imanaya kadib markuu Rooble ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee nabad sugidda Somaliya ku wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA.

In Farmaajo codsado bixinta diyada Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay ee  hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh.

 

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada dowladda federaalka ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaas oo kala ah ciidamada Gorgor ee militariga iyo Duufaan oo ka tirsan NISA.Ciidanka Gorgor waa kuwa ay tababareen Turkiga,Ciidanka labaad ee uu Farmaajo isku haleynayo waa ciidanka Duufaan, oo ah kuwa tiro ahaan aad u yar. Ciidanka waxay badankood yihiin kuwo uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasii

Marka la isku geeyo, labada ciidan ayaa ah kuwa aad u yar, marka loo barbar dhigo ciidamada kale ee dowladda, waxaana aad u yar awoodda ay xitaaa hal maalin oo buuxda ku dagaalami karaan, haddii xiisaddan ay faraha ka baxdo, oo ay dagaal isku rogto.

Dhanka kale Golaha Midowga Murashaxiinta Somaliya ayaa sideed qodob kasoo saaray xaaladda xasaasiga ah ee dalka ka taagan ee ka dhalatay isku dayga Farmaajo uu ku hor-istaagay inay caddaalad helaan Ikraan Tahliil  iyo qoyskeeda. 

Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Midowga Murashixiinta iyo wadatashiyo badan oo ay sameeyeen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/21 ku soo gebagaboobay magaalaa Muqdisho. Kulanka iyo wadatashiyadaba waxaa looga dooday layskuna weydaarsaday afkaar ku wajahan xaaladda dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka.

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha Ciidamada Qalabka-sida in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, garab-na ku siiyaan Raysal-wasaaraha in uu waajibaadkiisa u guto sidii loogu igmaday. Wuxuu kaloo Goluhu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed, madaxda Dawlad-goboleedyada iyo Beesha Caalamka-ba in la iska kaashado sidii ay dalka ugu dhici lahaayeen doorasho daahfurnaan leh, laysla oggol yahay, dhaqsana ku qabsooma.

Post a Comment

0 Comments