A C -WARAR
Nolasheennu waxay ku wareegtaa saacadaha kooban ee maalintii iyo
habeenkii oo badanaa ah 24 saacadood.
Hasa-yeeshee ma
ogtahay in dunida ay ka jiraan meelo aanay qorraxdu ka dhicin in ka badan 70
maalmood?
Bal qiyaas sida
sheekadaan ay xiiso ugu leedahay dalxiisayaasha iyadoo xitaa dadka
deegaannadaas ay ku jaha wareeraan qoroxda oo aan dhacaynin 70 maalmood oo
xiriir ah.
Haddaba Lixda
meelood ee aaney qorraxdu ka dhicin wax badan ka ogow.
Dallka Norway
Dalka Norway, waxaa
loogu yeeraa 'Dhulka Qorraxdu ay soo jeedo saqdadhexe halkaasoo laga bilaabo
bisha May ilaa dhammaadka bisha Luulyo, aaney qorraxdu dhicin.
Arrintaan ayaa ka
dhigan in qiyaastii 76 maalmood, qorraxdu aaney ka dhicin dalka Norway.
Magaalada Svalbard,
ee dalka Norway, qorraxdu waxay si joogto ah u soo baxdaa laga bilaabo bisha
Abriil 10-keeda ilaa bisha Ogoosto 23-keeda
Waxaad booqan
kartaa gobalkaas waxaadna halkaas joogi kartaa maalmo kala duwan oo aan habeen
jirin.
Dhulka Nunavut, ee dalka
Canada
Nunavut waa dhul ku
yaalla Waqooyi galbeed dalka Kanada.Halkaan waxaa ka jira qiyaastii laba bilood
oo cadceed ah 24-ka saacadoodba, halka xilliga jiilaalka, qiyaastii 30 maalmood
oo isku xiga uu mugdi ka jiro.
Jasiiradda Iceland
Iceland waa
jasiiradda ugu weyn Yurub marka laga soo tago dalka Ingiriiska, sidoo kalana
waxaa lagu yaqaanaa inay tahay waddan aan kaneeco lahayn.
Xilliga xagaaga,
habeenadu waa caddaan Iceland ma jiro mugdi, bisha Juunna, qorraxdu ma dhacdo.
Si aad u aragto
qorraxda saqda dhexe xaaladdeeda dabiiciga ah, waxaad booqan kartaa magaalada
Akureyri iyo Jasiiradda Grimsey ee halkaa ku yaalla.
Barrow, Alaska
Ilaa bilowga bisha May iyo dabayaaqada bisha Luulyo, qorraxdu halkaasi kama
dhacdo. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in waddanku uu mugdi ku jiro xilliga
jiilaalka ah.
Aaggan ayaa sidoo kale caan ku ah buuraha barafku ka buuxo. Waxaana la
sheegaa in inta badan dalxiisayaashay booqan karaan xagaaga ama jiilaalka.
Dalka Finland
Waa dhul leh
kumanaan harooyin iyo jasiirado ah, qaybo badan oo Finland ka mid ah waxay
helaan qorraxda tooska ah 73 maalmood oo kaliya inta lagu gudo jiro xagaaga.
Dhanka kale,
qorraxda iftiinkeeda ayaa sii jira ilaa 73 maalmood, halka xilliga jiilaalka,
aaggu uusan arag iftiinka qorraxda.
Sidoo kale waa mid
ka mid ah sababaha ay dadka halkaan u seexdaan wax yar inta lagu jiro xilliga
xagaaga, iyo xilliga jiilaalka.
Intaad halkaa
joogtid, waxaad ku raaxeysaneysaa Nalalka sidoo kale waxaad fursad u helaysaa
inaad ka qeybgasho ciyaarta barafka lagu ciyaaro.
Dalka Sweden
0 Comments