Maxaa loo dhiiragelinayaa cunista cayayaanka?

 


A C-WARAR

Waxaa jirta baahi aad u badan oo cayayaanka loo qabt kaas oo noqday isha borotiinka ee cuntada xayawaanka adeegsadaan. Sawir -qaade Tommy Trenchard ayaa booqday beer cayayaanka duula ah oo ku taalla magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Miilkiilaha beertan ayaa rajeynaya inuu ka faa'iidaysato suuqaas.

Waxaa laga billaabay 2018 dhisme warshadeed oo ku yaalla duleedka magaalada. Beerta Maltento waxay ku foogan tahay qorshe aad uga fog kii lagu yaqaannay deegaankaas.

Hadda bil kasta waxay soo saartaa in ka badan 10 tan oo ah quud aad u hodan ku ah borotiin, badankeedana waxaa loo qoondeeyay on loo dhoofiyo dibedda.

"Waxaa ku haysata cunto yari, iyo dad gaajoonaya, halka dhanka kale qashin ku wareeriyey. Sidaas awgeed ayaan ka fikiray inaan fiiriyo sidaan taas isugu dheeli tiri lahayn," ayuu yidhi aasaasaha Dean Smorenberg, isagoo ka fikiraya waxa dhiirrigeliyay isaga si uu u galo beertan.

Waa lataliye hore oo dhanka maareynta ah oo billaabay beerista cayayaankan kal hore gaar ahaan kuwii musqushiisa ka duul duulayey sanadkii 2016 kahor intuusan gelin ganacsiga buuxa.

Tusaaluhu waa mid soo jiidasho u leh macaamiisha: tixiriga ama duqsigu wuxuu quutaa cuntada qashinka ah - waxaana u dhaw wershad soo saarta badarka - wuxuu u beddelaa borotiin la suuq geyn karo iyo soo saaris bacrimin.

Daraasad 2020 ah oo ay sameeyeen cilmi-baadhayaal ka kala yimid UK iyo Jarmalka ayaa lagu ogaaday in suuqa raashinka eee xayawaanka guriga ee adduunka uu sii daayo kaarboon laba ogsaydh (carbon dioxide) kaas oo la ekaan kara hawada Filibiin ama Mozambique oo kale.

Cayayaanku wax weyn ayay ka dhigan yihiin marka laga hadlaya helidda borotiinka," ayuu yidhi Mr Smorenberg, isaga oo tilmaamay in duqasiga duula iyo tixiriga ay gacan ka geystaan hagaajinta caafimaadka mindhicirka.

Beerta Maltento, oo si xawli ah u fidaysa, waxay u qaybsantaa qaybo iyadoo loo eegayo marxaladaha kala duwan ee cayayaanka noloshooda.

Dominic Malan, oo mas'uul ka ah kobcinta tirada macmiisha ayaa na soo tusay qaababka ay u kala baxdo. "Tani asal ahaan waa qolka matoorka beerta," "Heerkulka iyo huurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan si loo hubiyo inay sii koraan oo bataan."

Albaabka xiga, xanaanada, ukunta ayaa u dillaacda "dhallaanka" kuwaas oo loo qaybiyo weelal caag ah oo yaryar oo ay ka buuxaan waxyaalaha lagu quudiyo. Kuwani waxay markaa ku urursan yihiin qolalka heerkulka la kontoroolo halkaas oo ay ku koraan si aan caadi ahayn.

Qolka waxaa yaalla safaf jawaanno waaweyn oo cadaan ah oo ay ka buuxaan dixiriga la qallajiyey.

Sida laga soo xigtay RaboResearch, oo ah urur cilmi -baaris ku sameeya agab -ganacsiyeedka Nederland, wax -soo -saarka caalamiga ah ee borotiinka cayayaanka ee raashinka uu aadanuhu isticmaala ayaa gaari kara nus milyan dhammaadka tobanka sano, halka uu maanta ka yahay 10,000 tan oo kali ah. Waana warshado si xawli ah u socota .. "

Warbixin ay soo saartay sannadkii 2013 -kii, Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee QM ayaa lagu sheegay in cunista cayayaanka ay gacan ka geysan karto sidii wax looga qaban lahaa cunno -yaraanta adduunka oo dhan.

Cayayaanku waa cunno fudud oo caan ka ah dalal badan. Hadda, Dr Bessa wuxuu rumeysan yahay in cunista cayayaanka baaxadda leh ay u badan tahay inay ku sii ekaan doonto xayawaanka.

"Wali ma joogno weli," ayay tidhi, iyada oo raacisay in qaylo -dhaantu ay weli caqabad ku tahay.

 

Post a Comment

0 Comments