Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho



 A C-WARAR

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in maanta barqadii uu halkaas soo gaaray  Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Mustafa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Basadiir.

Basadiir ayaa  u dhashay dalka Tanzania, waxaana  garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhalinyaro ah, isla-markaana Af Soomaali u beddala muuqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo Safarka Basadiir  ayaa waxaa shaaciyay isla basadiir oo sheegay in 48 saac kadib uu gaarayo Muqdisho.

Dhinaca kale Safarjka basadiir waxaa ka hadlay Farxaan Diraac, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Somaliya ku soo dhaweeyo saaxiibkiis Basadiir.

Post a Comment

0 Comments