Karim Benzema Oo Dhigay Rikoodh Ay Dhigeen Xiddigaha Ronaldo & Messi

 


A C-WARAR

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan kadib todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga.

Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa guul weyn ku hogaamiyay kooxda Real Madrid kadib guul 6/1 ah oo ay ka gaadheen kooxda Mallorca kulan uu Karim dhaliyay 2 gool.

Karim Benzema ayaa goolashiisa kor ugu qaaday 7 gool 6-dii kulan ee uu ciyaaray horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo noqday xiddiga kaliya ee sidaas sameeyay qarniga 21-aad.

Xiddiga Benzema ayaa kaliya ka dambeeya xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo rikoodhkaas horay uga dhigay horyaalka La Liga markii ay ka ciyaarayeen tartanka.


Post a Comment

0 Comments