Farmaajo oo Khudbad magac uyaal ka jeediyey Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

 


A C-WARAR

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Farmaajo waxaa uu ka hadlayaa sharciga iyo cadaalad halka Fahad Yaasiin oo la doonayo in caddaaladda loo maro uu diidan yahay uuna ku haayo gudaha Villa Somali wuxuuna ku dadaalayaa sidii maxkamada loogu soo celin lahaa kiiska si loogu dhameeyey si hoose oo an cadaalad u helin ikraaan tahliil

farmajo waa khaa'inul wadan aan dooneyn in dalkeena uu hormar gaaro una keliya fiirsanaayo dantiisa asiga oo adeegsanaayo argigixisada alshabaab si dalka u geliyaan amni daro iyo dagaal sokeeye

Farmaajo ayaa ku sheegay khudbadiisii QM inuu marinayo hanaanka doorashada meel wacan, waana kan ka shaqeeya in doorashada la wiiqo ama inaan doorashadaba wadanka ka qabsoomin

Kaligii taliye farmaajo wuxu ka yidhi shirka guud ee QM Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye,

waana kan ka shaqeeya in doorashada la wiiqo ama inaan doorashaba wadanka ka dhicin si keli taliyuhu kursiga ugu sii fadhiyo wuxu wadanka gaadhsiyey inuu dagaal sokeeye ka rido,

sidoo kale wuxu ka hadlay inuu ilaalinayo xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed, waana kan ka hortagan baaritaan madax bannaan ee caddaalad loogu raadinayo dilkii Ikran Tahliil, wuxu itobiya ka iibiyey dhalinyaro somaliyeed oo weli la la yahay iyo qalbi dhagax oo muwadin somaliyeed ah

 

Post a Comment

0 Comments