Farmaajo iyo Fahd Yaasiin ayaa ka mas'uul ah xaalada uu dalka maraayo



 A C-WARAR

Dictator waqtigiisa dhamaadey farmaajo uma hoggaansamin heshiiskii Muqdisho ee la saxiixay 17 -kii Sebtember & go'aankii ​​ahaa in amniga iyo awoodaha doorashada ku wareejiyey Rooble kadib marka ay dhammaatay muddadii sharciga ahayd.Farmaajo wuxu ka shaqaynayaa sidu kursiga ku joogi lahaa uun

Shacabka Soomaaliyeed, dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo beesha caalamka waa inay ku taageeraan Ra'iisul Wasaaraha dadaalka uu ugu jiro sidii uu cadaalad ugu heli lahaa eedeynta Iran ee farxadda iyo qabashada doorashooyin loo dhan yahay oo nabad ah.

Khilaafka noocan oo kale ah wuxuu ka dhex dhacay Madaxweyne C / llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Uday oo markaas ahaa. Beesha caalamku waxay qaadatay go’aan adag waxayna taageertay Ra’iisul Wasaaraha. Si loo sii ambaqaado doorashooyinka oo cadaalad loogu helo kiiska Ikran, Maxkamadda Caalamiga ah waa inay joojisaa hagardaamaynta oo si buuxda u taageertaa Ra'iisul Wasaaraha

Farmaajo si sharci darri ah ayuu guddoomiyihii 1-aad ee Baarlamaanka xilka kaga tuuray, bilo ka dib guddoomiyihii 2-aad ayuu Villa Somalia ka soo saaray, kaddib markii uu qabtay Mooshin isaga ka dhan ah, 7 daqiiqo ayuu xilka kaga tuuray RW-hiisii 1-aad, wuxuu weeraray xarunta Xisbiga Wadajir, Hoteel ay deganaayeen labo madaxweyne hore, iyo siyaasiyiin iyo shacab dibbed baxaya, kuwo kalana meelo kala duwan ayuu ku weeraray.

Muqdisho dagaal ayuu ka oogay. Shisheeye ayuu muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliyey. wuxuu cunaqabateeyey deegaan Soomaaliyeed. Ubad Soomaaliyeed ayuu Eretrea askareyn ugu diray oo dagaal dal shisheeye ka dhacaya geliyey, gabar sarkaalad ah oo NISA lagu dhexdilay ayuu caddaalad ka hor taaganyahay.

Maantana, isagoo muddo xileedkiisii 7 bil dhacsan yahay, ayuu dagaal kula jiraa RW-hiisii 2-aad. Dadka dulmigiisa diiday waan gartay, kuwo ku garabsiinayana danbigay kula jiraan, ee waxaanan garan waayey kuwa dulmiga dhexdhexaadka ka ah.

Ma muuqato sabab ay Dowlad Goboleedyadu kaligood doorashada uga shiraan. Waa in Raysalwasaare Rooble uu shirka Golaha Wadatashiga Qaran isugu yeeraa si loo dardar geliyo doorashooyinka dalka. Shacabka Soomaaliyeed, Dowlad goboleedyada, Midowga musharraxiinta iyo beesha caalamkana waa in ay ku gacansiiyaan in doorashada degdeg loo qabto, kiiska Ikraan Tahliilna caddaalad loo helo, lana diido in eedaysanayaasha gabbaad la siiyo.

Post a Comment

0 Comments