Fannaaniinta Laki Xaaji, Xaawo Kiin iyo Faadumiina oo ereyo kulul hawada isku weydaarsaday



A C-WARAR

Fannaaniinta Laki Xaaji Waceys, Xaawo Kiin iyo Faadumiina ayaa hawada isku mariyay ereyo kulul, hanjabaado iyo dagaal dhinaca afka ah, kaddib markii ay ka wada qeyb galeen xaflad aroos oo ka dhacday magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Laki Xaaji Waceys iyo Xaawo Kiin ayaa muuqaal ay ku baahiyeen baraha Internet-ka ee ay bulshada ku xiriirto waxay iyagoo isku dhinac ah uga hadleen arrimo ku saabsan buuq ka dhacay xafladda oo ay sheegeen in fannaanada Faadumiina ay ugu geysatay ereyo ka dhan ah labadooda.

“Waxaan u baahanahay in farriintaan la gaarsiiyo Faadumiina maadaama ay block iga saartay Taleefankeeda” ayay tiri Laki Xaaji Waceys oo sheegtay in hadallo ay ku tiri Faadumiina habeenkii ay ku sugnaayeen xafladda ereyo aanay jecleysan.

Labada fannaan ee Laki Xaaji iyo Xaawo Kiin ayaa sheegay in farriintaan ay jawaab u tahay Faadumiina oo ereyo lid ku ah labadooda ku baahisay barta Snap Chat-ka loo yaqaano, iyadoona sheegtay inay aad uga xun tahay taageerayaashoodu inay maqlaan hadallo aan wanaagsaneyn.

Arrimaha ay gabdhahaan fannaaniinta ah isku hayaan ayaa waxaa ka mid ah heeso ay dib u qaaday Laki Xaaji oo Faadumiinana si weyn uga xumaatay, heesahaasi oo horay ay u qaaday Allaha u naxariistee fannaanada Faadumo Qaasim Hilowle.

 

Post a Comment

0 Comments