Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo hoggaan u ah qareenno dacwad ka gudbiyay
Madaxda DFS ayaa sheegay in Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee hoostagta
Qaramada Midoobay oo fadhigeedu yahay Magaalada The Hague ee Dalka Netherlands
ay u gacan geliyeen 4-kiis oo ka dhan ah Dowladda.
Afar Kiis oo kala ah: Arrinta Ikraan Tahliil oo ah sarkaalad katirsan
Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo la waayay
26-kii June 2021 ayaa ugu horreeya gal-dacwadeedka ka dhanka ah Dowladda
Federaalka.
Kiiska labaad waa Dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo waqtigii doorashada
Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen gaar ahaan
shacab dibadbax ka dhigay Magaaladaas oo kasoo horjeeday in la xiro Muqtaar Roobow
oo musharax ahaa.
Qodobka saddexaad ee dacwadda waa Cunaqabateyntii Dowladda Federaalka ay
kusoo rogtay Xarunta KMG ah ee DG Jubbaland kaddib markii ay ka joojisay
duullimaadyadii diyaaradaha taasi waxaa ka dhashay dhibaatooyin Bani aadamnimo.
Dacwadda 4-aad ee waa Dhalinyaradii loo qaaday dalka Eretareeya oo la
sheegay in ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ee bilawday
November 2020-kii, ehelkooda ayaa dalbaday in xogtooda la siiyo.
Maxkamadda Dabmiyada Caalamiga way naga aqbashay afarta kiis ee kala ah:
Ikraan Tahliil, xasuuqii Baydhabo, Cunaqabateynta Jubbaland & Dhalinyaradii
Eretareeya loo qaaday oo Mareykanka & Qaramada Midoobay qiran yihiin ay ka
qaybgaleen dagaalka ka dhacay Ismaamulka Tigray, Waxaa baaris ku wadnaa Xasuuqii
ka dhacay Dhuusamareeb, Bariire iyo kufsi ka dhacay Doolow & Buulo Xaawo”
ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf oo la hadlay VOA.
Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax waxa uu sheegay in Maxkamadda Dambiyada
Caalamiga ah (ICC) oo Soomaaliya aanay xubin ka ahayn in ay ka aqbashay
dacwadda si ay u baarto una maxkamadeyso dadka ku eedeysan kiisaskaas.
Fermago wuxuu noqday dembiile dagaal ka dib markii dacwadaha ka dhanka ah
loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.
Farmaajo waxa uu ku adkeysanaya in kiiska Ikran Tahliil aan maxkamadda
horteeda laga doodi doonin, rabitaankiisa ah inuu u magacaabo Nissa hoggaamiye
cusub oo isaga daacad u ah ayaa caddeyn u ah ku lug lahaanshaha isaga iyo Fahad
Yaasiin.
Kadib markii uu isku dayay inuu
Ra’isulwasaaraha ku laaluusho malaayiin doolar si loo soo afjaro khilaafka u
dhexeeya Farmaajo wuxuu noqday dambiile xaqna uma laha inuu xukumo Soomaaliya.
0 Comments