Wax Waliba Oo Wanaagsan Gudaha Ayeey ka Soo Dhismaan

 

A C-WARAR

Waxaa La Yiri (Hadii Ukun 《Beed》 Xagga Sare Laga Dillaaciyo Nolasheeda Halkaa Ayey Ku Egtahay, Hadiise Ay Si’ iskeed Ah Kaga Soo Dillaacdo Xagga Gudaha Nolol Cusub Ayaa U Bilaabata).

Taa Macnaheedu Waxa Uu Yahay Wax Waliba Oo Wanaagsan Gudaha Ayaa Laga Soo Dhisaa Sidaa Awgeed Waa In Aad isku Daydaa In Aad Nolashaada Gudaha Ka Soo Dhisto Maxaa Yeelay si’ kasta oo laguu wacyi geliyo iyo Si’ Walboo Laguu Dhiiri Geliyo Wax Macno Ah Ma Sameyn Doonto Hadii Aadan Adigu Diyaar U Ahayn In Aad Isbedel La Timaado .

Midna Ogoow Dadku Ma Wada Sinna Waxaa Dhici Karta In Aad La Kulanto Dadka Qaarkii Oo Guushaada Ka Baqaya Oo Kugu Cabsi Galinaya In Aadan Waxba Qaban Karin Balse Xaqiiqdu Waxa Ay Tahay Waxa Ay Ka Baqayaan Hadii Aad isku Day Wanaagsan La Timaado In Aad Guulaysato.

Hadaba Dadka Noocaas Oo Kale Ah Oo Jecel In Ay Ku Niyad Jabiyaan U Muuji In Aad Tahay Qof Go’aan Leh Oo Wixii Uu Damco Ka Guul Gaari Kara.

Waxaadna Ogaataa Wax Waliba Waad Baddeli Kartaa, Waadna Guulaysan Kartaa Hadii Aad Allah ( SW ) Tala saarato, Go’aan Wanaagsana Aad Qaadato, Insha Allah.

 

Post a Comment

0 Comments