Musharixiinta Mucaaridka oo Si kulul uga horyimid Heshiiskii Arinta Doorashada



 A C-WARAR

Midowga Musharaxiinta ayaa ka soo horjeestey habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, Waxayna ku tilmaameen habraacii ay soo saareen inuu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad oo xor iyo xalaal ah

Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagna isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxmed Cabdilaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Sidoo kale waxaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta lagu sheegay in habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudihiisa uu magacaabis toos ah yahay.

Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada, Waxay sidoo kale xuseen in Arintii laga diiday Madaxwayne Farmaajo aan laga Aqbali Karin inay u daba maraan Madaxda maamuludu.

 Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii kasoo baxay Golaha Wadarashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qoddobada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayidka, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwaan-gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyay madaxda dowlad goboleedyada,” ayaa lagu yiri qoraalka

Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay kamid tahay in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka aamin baxaan doorashadeena, in nidaamka dowladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dowladnimo sax ah

Habraacaan ee Golaha Wadatashigu ku dhawaaqeen waxa soo abaabulay farmajo iyo kooxdiisa, waxaanu ka hor imaanaya heshiiskii Muqdisho, sidoo kale dastuurka iyo sharciga Somaliya

Dhanka kale Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamida musharaxiinta madaxwayne ayaa soo dhaweeyay habraacan, xili ay diideen Golaha Midowga Musharaxiintu, taasoo ka dhigan in musharax cabdikariin uliicay dhanka kooxda farmajo iyo villa Somaliya.

 

Post a Comment

0 Comments