Midowga Musharaxiinta oo war culus ka soo saaray khilaafka RW Rooble iyo Farmajo


A C-WARAR

Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga hor yimid tallaabadii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu ku joojiyay in heshiisyo ay gasho Xukuumadda illaa doorashada ay ka dhamaanayso.

Golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee ku aadan khilaafka haatan ka dhex qarxay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday.

Ugu horreyn golaha ayaa taageero u muujiyey xukuumadda uu hoggaamiyo Rooble, iyaga soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ee uu kaga horyimid wareegtadii Farmaajo.

Dhinaca kale, Midowga musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa kulan ay xalay yeesheen waxa ay ku sheegeen in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.

Arintaan  ayaa ku soo aadey iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay yeelatay weji cusub, waxaana arrintan laga yaabaa inay saameyn ku yeelato hannaanka doorashooyinka dalka oo uu haatan garwadeen ka yahay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen.

Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii uu kaligii taliye farmajo isku dayey in Hay'adaha dawladda ayaa ka mamnuucaya inay heshiisyo la galaan waddamo shisheeye, ururo iyo shirkado ilaa doorashada ka dib. Wareegtada ayaa ka mamnuucaysa wasaarad kasta ama wakaalad kasta inay galaan faham/heshiis ku saabsan arrimaha la xiriira gobannimada, dhulka iyo xuduudaha badda.



Post a Comment

0 Comments