Labadii Bukaan (Sheeko).

 


A C -WARAR

Waxaa isbitaal iskula jiray laba oday oo da' ah. Mid waxaa loo oggolaa in uu maalin walba salaadda casir kadib muddo hal saac ah soo fadhiisto sariirtiisa oo u dhowayd halka daaqad ee uu qolku lahaa oo uu halkaas ka daawado nolosha dibadda ka jirta.

Midka kale isaga dhinac na isuma rogi karin oo dhabardhabar ayuu u jiifan jiray, waxa keliya ee uu arki karayna waxay ahaayeen saqafka kore uun.

Way sheekeysan jireen iyaga oo aanan isu jeedin oo midkoodna uusan midka kale arki karin. Midkii dhanka daaqadda xigay wuxuu ka sheekeynayay nolosha quruxda badan ee dibadda isbitaalka ka jirta " waxaan arkaa beerta dhexdeeda in ay ku taallo haro ay biyo badani ku jiraan.Waxaa ku dabaalanaya booloboolo. 

Dhanka soke carruur badan ayaa ku ciyaaraysa. Waxaa u dhow nin ilmaha ka ijaaraya doomo yaryar oo ay biyaha ku dhex wadayaan. Dad kale ayaa fadhiya geedaha hoostooda, qaarna waxay dugsanayaan ubaxyada kala midabada duwan. Cirka ayaa wax walba ka daran oo muuqaalkiisu wuxuu farxad gelinayaa indhihii jalleeca"

Inta uu sheekada wado, ninkii kale wuu aamusayaa isaga oo sheekada macaansanaya ayuu niyadda ka sawiranayaa quruxda uu saaxiibkiisu ka sheekeynayo.

Galabkii kale wuxuu uga sheekeynayaa in uu daaqadda uga jeedo ciidamo millatari ah oo gaadda-kaciyaar samaynaya. Wuxuu sawiranayaa ciidamada oo muustikada baambeeyda garaacaya. Wixii ay sidaas ahaadaan; waxaa subixii dambe u soo gelaysa kalkaalisadii. Waxay ku hadlaysaa taleefanka iyada oo leh " wuu dhintay ee dad maydkiisa dibadda u saara ayaan u baahanahay". 

Ninkii wuxuu dareemayaa in uu geeriyooday saaxiibkiisii madadaalin jiray oo uga sheekeyn jiray nolosha dibadda ka jirta. Aad ayuu u murugoonayaa. Maalmo kadib wuxuu codsanayaa in isaga lagu dhoweeyo daaqaddii qolka maadaama aysan cid kale qolka kula jirin. Markii casirkii la gaadhay ayuu nafta isku dhibayaa oo dirqi ku soo fadhiisanayaa. Wuxuu fiirinayaa daaqaddii, wuxuu arkayaa in derbi wayn oo aanan waxba laga arki karin uu ku go'anyahay!

Kalkaalisadii ayuu waydiinayaa in daaqaddaan ay tahay middii ay u dhowayd sariirta saaxiibkiis. Waxaa loo sheegayaa in ay iyada tahay oo qolka dhami uu halkaas daaqad leeyahay.

Wuxuu ka sheekeynayaa qisooyinkii uu saaxiibkiis uga sheekeyn jiray iyo muuqaalladii quruxda badnaa. Kalkaalisadii oo nafteedu aad u yaabtay ayaa u sheegaysa in ninka waxaas oo dhan uga sheekeyn jiray uu ahaa indhoole aanan xitaa arki karin gidaarka daaqadda ka xageeya ee uu isagu maanta arko, balse uu ahaa binu aadam go'aansaday inuu nolosha farxad ku qaato.

Dulucda: Farxaddu waa shayga keliya ee aad dadka siin kartid adiga oo aanan haysanin.

 

Post a Comment

0 Comments