Laacibka Xulka Qaranka Argentina Lionel Messi ayaa isaga tegaya Kooxdiisa
hore ee Barcelona, kadib markii Madaxda Kooxda ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in
Messi uu ka tagayo kooxda arrimo dhaqaale awgeed.
Leo Messi oo la qorsheynaya in uu caawa qalinka ku duugo heshiis shan sano
ah iyo Madaxda Kooxda Barcelona ayaa ku hashiin waayay inay kala saxiixdaan
hashiiska cusub ee uu kooxda ku joogi lahaa. waxaana Barcelona ay shaacisay in
ugu dambeyn Messi uu macsalaameeyay Barca, ayna uga mahadcelinayaan waxkasta oo
uu naadiga u soo qabtay, maadama uu kula soo guuleystay koobab badan oo muhiim
ah.
Messi ayaa kooxda u saftay 778 kulan, waxaana uu u dhaliyay 672 gool, halka
uu caawiyay 305 gool, waxaana uu kooxda la qaaday 35 Koob oo heerar kala duwan
leh.
Lionel Messi oo heshiiskiisu dhacay bishii June ee aynu ka soo gudubnay
ayaa Madaxda Barcelona waxa ay isku dayeen inay heshiis cusub ka saxiixdaan,
balse dhaqaale yari kooxda heysato ayaa keentay inay iska fasaxaan, maadaama
aysan awoodin dhaqaale ay ku ceshadaan xidigooda hore.
0 Comments