Khilaafka u dhexeeya Roobley iyo Farmaajo ayaa sii ballaaranaya kadib markii Roobley uu ku guuleystay dib u habeynta siyaasadaha arrimaha dibadda



 A C-WARAR

Xiriirka beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay, gaar ahaan18-kii bilood ee ugu dambeysay Wakiilada Caalamiga ah iyo kaligii taliye Farmaajo ayaa si weyn u kala fogaaday. Reer Galbeedka iyo Farmaajo oo meel xun kala marayo Rooble ayaa badbaadiyey cilaaqaadkaas. Hadda wakiilada beesha Caalamka wax wada-shaqeyn ah lama lahan Farmaajo

Farmaajo ayaan dan ka lahayn danta ummadda Soomaaliyeed, balse wuxuu doonayaa in uu gaaro danihiisa gaarka ah isaga oo xakameynaya awoodda talada hab kasta.

 Waxay muujiyeen beesha caalamka sida ay ugu qanacsan yihiin Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kulamo badan ka sheegay inay si weyn uga gacan siinayaan qabashada doorasho loo wada dhan yahay oo natiijadeeda la wada aqbalo

Siyaasad xumidiisa Farmaajo wexeey  Soomaaliya ka dhigay dal cid walba cadow la ah, wuxuu dowladdii iyo dalkii usoo reebay cilaaqaadka dalalka Qadar, Itoobiya iyo Eritrea, laakiin Rooble ayaa 10-bilood wada-hadal kula furay wadamada Kenya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta oo uu dhammaan Farmaajo kula diriray danihiisa gaarka ah

Waxay ahayd dadaalkii Roobley oo awood u yeeshay inuu isu keeno guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyada mucaaradka ah iyo kuwa daacadda u ah Farmaajo si loogu heshiiyo jadwalka doorashada ee Muqdisho

Farmaajo hadda ma aha madaxweyne dastuuri ah oo sharci ah tan iyo dhammaadkii bishii Feberaayo ee la soo dhaafay, halka Roobley uu ku raaxeysanayo sharcinimada dastuuriga ilaa doorasho la qabto oo dowlad cusub la magacaabo

Roobley waa ninka ku guuleystay soo celinta xiriirkii Soomaaliya ee dalalka deriska iyo kuwa gobolka, oo ay ugu dambeysay Kenya, kadib markii ay u jareen siyaasaddii foosha xumeed ee uu hugaaminaayey qaswade kaligii taliye Farmaajo

Rooble wuxuu wada-hadal lasoo galay Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu Muqdisho ku casuumay wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka si xiisadda loo xaliyo, wuxuuna ku guuleystay inuu dib u furo Safaaraddii ay Kenya ku laheyd Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale Mombasa kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo kooxda ku hareereysan waxaa dharbaaxo ku ah in siyaasi dhawaan gal ah uu 10-bilood ku xaliyo lixdaas kiis ee muhiimka u ah dalka iyo dowladnimada, weliba dhammaan dhibaatooyinkaan waa kuwa ay iyaga abuureen.

Post a Comment

0 Comments