Khilaaf ka dhex qarxay Guddiga doorashooyinka heer Federal

 


A C-WARAR

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa ka hadlay habraacii Doorashada Golaha Shacabka oo Maanta talaado ah kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal.

Saciid Abshir oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay khilaafkaasi iyo waxa ku dhaliyey inuu ka hor yimaado habraaca la soo saaray Sababta ayuu Saciid ku sheegay in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca,

maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare habraaca ma diidanin balse waqtigii la shaacin lahaa lama joogo waxa aan nahay Guddi madaxbannaan oo loo xilsaaray doorashooyinka dalka waxa aan ku shaqeyneyno ma aha sharci qoran ama xeer doorasho oo la

Xubnahaan Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ee diiday habraacii lasoo saaray ayaa kuwii Maanta shaaciyay habraacii Doorashada Golaha Shacabka ku eedeeyay inay abuurayaan marxalad Cakiran oo jihada ka leexineysa habsami u qabsoomida doorashada.

Sidoo kale waxaa ay shacabka Soomaaliyeed u cadeeyeen tallaabada ay qaadeen xubnaha yare ee Guddiga ay tahay mid ay ku doonayaan inay ku carqaladeyaan habsami u qabsoomida doorashada dalka iyo Shirka soo socda ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

dowlad goboleedyada qaarkood sida Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhameystirin kuraastii guddigooda iyo doorashadii Guurtida dhibaatadii kala qaybsanaanta Guddida Somaliland aanay weli Komishanka iyo Raysal -wasaaruhu xal u helin ku dhawaaqista taariikhda doorashada xilli inta badan maamul goboleedyada aysan joogin

dhinacakale sidee doorasho loo qabtaa iyadoo aysan jirin dhaqaale ku filan oo dowladda ka maqan waxaa shaki laga qabaa doorashada Golaha Wakiillada oo aan weli la dhameystirin haddii ay u dhacday sidii lagu dhawaaqay masuqmaasuqa iyo faragelinta farmaajo ayaa ka dhigeysaa in doorashada marwalba ay dib u dhacdo waa in shacabka soomaaliyeed ay ka tashtaan aayahooda mustaqbal si dalka uu u gaaro hormar iyo amni



Post a Comment

0 Comments