kaligii taliye farmaajo iyo kooxdiisa oo iibisay dhul ka mid ah Tiyaatarka Qaranka

 


A C -WARAR

Sida ku cad warqad ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowladda Soomaaliya, waxaa la bixiyay dhul ballaaran oo ka mid ah Tiyaatarka Qaranka, kuna yaalla dhabarka dambe ee xarunta Tiyaatarka

Warqada ka soo baxday Wasaaradda Warfaafinta, islamarkaana uu ku saxiixnaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa lagu sheegay in dhulkaas la bixiyay islamarkaana laga sameyn doono maqaayad

Tiyaatarka Qaranka ayaa run ahaantii la iibsaday laakiin cadaadis toos ah oo ay saareen shacabka soomaaliyeed ayaa lagu dhawaaqay in la kireeyey taasoo dadka lagu marin habaabinayo si aysan u ogaanin in la iibsaday lacagtane lagu galaayo doorasho si codadka xildhibaanada loogu iibsado masuqmaasuqaan ma ahan mid hada bilowday

laakiin wuxuu socdaa mudadii lasoo dhaafey 4tii sano oo uu farmajo xilka hayay laakiin ay qarsooneed dowlada uu hogaamiyo farmajo waxay ku dhacday ceebtii ugu weyneed wayo tiyaatarkan 30sano uu dalka burbursanaa lama habeensan halmar xitaa 

Xubno kamid bahda Fanka iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa  sheegay in kumanaan lacag ah lagu badashay dhulkaan, islamarkaana ay tani qeyb ka tahay dhul boob muddooyinkaan ka socda Muqdisho, oo kusoo beegmay xaaladda kala guurka dalka.

Inta badan dhul boobkan ayaa waxaa looga faa’iideynayaa shaqsiyaad siyaasad ahaan ku xiran madaxweyne Farmaajo ama ehel la ah, mana cadda inta uu le’eg yahay dhulka ay bixisay dowladda ee lacagta lagu qaatay.

Farmaajo ayaa horey jaadka Ethiopia ugu xiray xubno ka tirsan qoyskiisa, kadib markii uu mamnuucay midka Kenya, si lacagta kasoo xaroota loogu galo olole doorasho, waxaana arrintan ka qeyliyey ganacstada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni jiray Kenya.

kaligii taliye Farmaajo iyo hawlgallada musuqmaasuqama ahan mid ahada ugu horreysay mana aha tii ugu dambaysay laakiin hanaankan ayaa ah waxa ka dhex muuqday dadweynaha oo kaliya dhamaantoodna waxaa sabab u ah

doorashooyinka iyo ku dheganaanshihiisa awoodda oo aan iyagoo aqbalaya fikradda ah inay xilka uga dagayaan dano shaqsiyeed ee aysan ahayn danta dalka shacabka Soomaaliyeed waxay dalbanayaan inuu baxo kaligii taliye Kaas oo u oggolaanaya wasiirrada ku xiran inay bililiqeystaan ​​awoodaha dowladda



Post a Comment

0 Comments