Iska ilaali kibirka

 

A C-WARAR

Nin Boqor ahaa oo kibray ayaa, Muufo Saxarada isaga tiri Jiray. kadibna Musqusha ku ridi jiray. Markii Dambe Abaar ayaa dhacday Dadkii waxa ey noqdeen kuwa Baahi u dhinatay iyo kuwa Deegaankii isaga Qaxay, Kaligii ayuu ku soo haray Magaaladii, Makaa ayaa Dantu ku khasabtay in uu Musqushii Dib u qodo si uu u cuno Muufadii uu Saxarada isaga tiri jiray.

Sannadkaan Axmed oo ahaa wiil Carab ah oo khaliijka ku noolaa ayaa Bisadiisii Lagu magacaabi Jiray “Zuuzuu” waxa uu u iibiyay Dahab qiimahiisu yahay 1.625 ( Hal Million Lix Boqol iyo 25 kun Dollar. ( F.S: 1aad).

Hore ayaa Nin Taajir ahaa oo u dhashay khaliijku uu Hashiisii “Ummu Khalid” oo Rati kale uu u aroosinaayay, ayuu u soo iibiyay Dahab dhowr Million Dollar ah.Taajirkaa oo dhaliil badan loogu soo jeediyay Baraha Bulshada.( F.S: 2 & 3aad).

Ummaddii Islaamka oo Baahan, miyeeyna ogeyn in Aakhiro la weeydii doono, Xoolahii lagu siiyay Xageed ku bixisay.

Somaliyeey Haddii aad Hantile noqoto, ku dadaal marka hore in ey xalaal tahay, kadibna ha ku kibrin Sida Ragaa kor ku xusun…… waa iga Talo.

 

Post a Comment

0 Comments