Guux qabsadey Muqdisho & MD Farmaajo oo tanaasulay


 

A C-WARAR

Waxaa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Farmaajo uusan u tartami doonin xilka madaxweynenimada doorashada soo socota, ka dib markii Villa Somalia aysan beenin wararkaas, waxaan ugu dambeyn dhihi karnaa waa war run u dhow

Hubanti ahaan warkaan weli si faah faahsan looma sheegin balse mar qura ayuu siyaasad ahaan ugalay dalka oo dhan oo aad dadka uhadal hayeen ilaa duhurnimadii kadib

Howlwadeeno kashaqeeya Xafiiska madaxweyne farmaajo oo aan xiriir la sameynay waxay  sheegeen inaysan arintaasi waxba ka sheegi karin run ama been waxa uu yahay

Kadib markii uu faafay warka ah in Farmaajo uusan ka qeyb gali doonin doorashada soo socota sidoo kale cidna ma inkireyso taas, waxaan dhihi karnaa waxaan ku dhownahay inaan gaarno yoolkeenna oo aan ka takhalusno caddaalad darrada iyo keli talisnimada.

Waxaa lasugayaa xogtaan soo baxday ee ah in farmaajo ka tanaasulay murashaxnimadiisa iyo hadii ay madaxtooyada ka jawaab celin doonto iyo in kale

Hadda waxaa lama huraan ah in la magacaabo qof u qalma jagadan oo mas'uul ka ah

 

Post a Comment

0 Comments