galmudug oo shaacin doonto liiska musharaxiinta saacadaha soo socdo

 


A C-WARAR

Rooble Ubaxii Kacaanka oo go'aan saday in uu haraadigii Afwayne ee Farmaajo u boobo kuraasta reer waqooyiga uuna banaanka dhigo Cabdi Xaashi taas oo ka dhigan in uu si fiican u wada Shaqadii uu Farmaajo ugu magacaabey Rooble gudoomiya ololaha dib u doorashadiisa,

shalay ayay ahayd markii uu Kulane Jiis Mareexaan horjooge ka noqday xulashadii ka dhacday magaladda Baydhabo ileen doorasho Laguma magacaabi karine taas uu ka maalumayay daaha gadaashiisa.

Liiska musharixiinta Galmudug oo maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo daacad u ah

kaligii taliye farmaajo iyo Qoor Qoor isalamarkaneh saameyn weyn ku leh siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo labadaba sabab u ahaa in Qoor Qoor uu noqdo madaxweynaha Maamulka Galmudug

Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in rabshado ay ka dhacaan doorashada Galmudug iyadoo Galmudug ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiin badan oo dowladda ka soo horjeeda maadaama Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu ka reebay dhammaan dadka ka soo horjeeda doorashada Golaha Wakiilada ee soo socota

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal iyo colaad, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin dhammaan dadka xilka raadinaya, waxaana go’aanka Qoor Qoor uu horseedi karaa xiisad.

Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka Sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Post a Comment

0 Comments