Arrintan dagaalka sababtay ayaa ka
dhalatay degaameyn cusub”Dagaal ka bilaabmay duleedka birta dheer ayaa wararka
laga helayaa ay sheegayaan in qasaare badani halkaa uu ka dhashay, oo dhimasho,
dhaawac iyo dad la qafaasheyba intaba ay dheceen.
Dagaalkan ayaa dhacay ka dib markii ay dabley hubaysan ay weerar ku
qaadeen tuulo lagu magcaabo Filley oo Boocame Koonfur barri kaga quman, una
dhow Far-dhidin.
Dagaalkan ayaa dhacay iyadoo ay socotey wada hadal labada beelood u
dhexeeya, kaas oo la filayey in uu xal laga gaadho sida ay guddiga labada
dhinac u dhexaysey ay sheegeen.
Arrintan saaka dagaalka sababtay ayaa ka dhalatay degaameyn cusub oo
degaanka marka hore la isku dilay dib looga bilaabay.
0 Comments