Dad ku waxyeeloobay Sun ku daadatay laamiga magaalada Garoowe.
A C-WARAR
Booliska Gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay gaari booyad ah iyo
darawalkii watay oo kiimiko uu kasoo qaaday Shirkadda Isbuunyada Tabaarak oo
dhowaan gubatay uu uga daatay laamiga bartamaha Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Kiimikadan ayaa sababtay inay suuxaan qaar kamid ah dadkii ku ganacsanayay
hareeraha laamiga, sidoo kalena ay qaarkood dareemaan cun cun dhanka dhuunta
iyo indhaha ah. Waxaana socda dadaalo lagu nadiifinayo laamiga oo ay wadaan
ciidanka dab-demiska Garoowe.
Duqa caasimadda Garoowe Hon: Ahmed Said Muse oo qoraal soo dhigay bartiisa
Facebook ayaa yiri: “Maanta 11-kii barqanimo Booyad kuwa nadaafadda ayaa
kiimiko kaga daadatay laamiga weyn ee magaalada dhexmara. Waxaa ka hawlgalay
ciidanka amniga oo booyadii iyo darawalkii gacanta ku soo dhigay.
Kiimikada waxaa laga soo qaaday Wershedda Isbuunyada ee Tabaarak, taasoo
dhowaan dab xoog leh dhibaato weyn u geystey.
Booyaddu ma ahayn mid loogu talo galay inay kiimikada qaado sidaa awgeed
ayay dhincyada ka dalooshantay.
Dad badan oo laamiga ku ganacsanayey ama marayey ayaa ka sheegtay indho iyo
dhuun xanuun, waxaa la sheegay in dadka qaar suuxeen.
Nadiifin iyo barxid kiimiko ayaa hadda socota, waxaa ka hawlgalay ciidanka
Booliska, Dabdamiska iyo hawlwadeenadda degmada.
0 Comments