Arday Macalinkoodii Dugsi Qur’aanka shalay ku dilay Gaalkacyo



A C -WARAR

Dhacdo layaab ku noqotay bulshada ayaa waxay shalay ka dhacday deegaan hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug qeybta ay Galmudug maamusho.

Labo wiil dhalinyaro ah oo walaalo ahaa ayaa la sheegay inay dileen Macalinkoodii dugsi qur’aanka udhigayey deegaanka Laankawde.

C/raxmaan Sheekh Xasan oo ah Duqa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka hadlay dhacdada islamarkaana sheegay in labada wiil ee macalinkooda dugsiga udhigayey dilka ugeystay ay ciidamada amniga xireen.

Baaritaano dheeraad ah ayaa lagu wadaa dilka iyo qaabka uu udhacay waxaana la sheegay in dilkiisa ay faas u adeegsadeen.

 

Post a Comment

0 Comments