A C-WARAR
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in “sare u kac
80% ah uu ku yimid tacaddiyada ka dhanka dumarka Soomaaliya sida kufsiga
Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay “tiro abuurtay qeylo dhaan weyn
Labo wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa arrintan ku qeexay mid
argagax leh” kaddib markii xoghayaha guud loo gudbiyay labo warbixin oo dhawaan
laga sameeyay Soomaaliya.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada
Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan,” ayaa lagu
yidhi bayaanka ay soo saareen Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u
qaabilsan Arrimaha Carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo
wakiilka qaarka ah ee qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaadaha
ka jiraan, Pramila Patten
Ka faa’iideysiga
barakacayaashaLabada warbixin ee ay soo diyaariyeen wakiillada ayaa lagu diiwaan galiyay
in sanadkii 2020-kii gudihiisa 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ay
dhibaneyaal u ahaayeen tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la
xiriira jimsiga.
Tiradan waxay muujisay in uu jiro sare u kac dhan boqolkiiba 80 marka la
barbardhigo sanadkii 2019-kii.
In ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah waxay Qaramada Midoobay
xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka.
Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa’iideystaan gabdhaha nugul ee
ku jira xeryaha barakacayaasha, iyagoo bartilmaameedsada marka ay xeryaha kasoo
baxaan si ay u doontaan shaqooyin laga raadsado nolol maalmeedka, sida lagu
xusay warbixinta
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca “naxdinta
leh” ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira
Soomalaiya.
“Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma
hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya
murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada al-Shabaab, taasoo uu sidoo kale sii
xoojiyay cudurka safmarka ah ee Covid-19”, ayaa lagu yidhi warbixinta.
Intaas waxaa sii dheer, sida lagu xusay bayaanka, hakadka la galiyay
howlihii amniga iyo caddaaladda, halka cudurka safmarka ahna uu sidoo kale kala
dhantaalay howlihii waxbarashada iyo adeegsadii loo fidinayay dadka
tabaaleysan.
Yaa geysta falalka kufsiga?
Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday,
sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. “Taasi waxay muujineysaa in
kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira
guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan,” ayaa lagu yidhi.
“Xad gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku
dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo
adeegsaday hubka fudud.”
0 Comments